Dowlada Dalka Burundi oo kamid ah Dowladaha Ciidamadooda kajoogaan gudaha Somaliya ayaa xaqiijiyay sugnaashaha wararki la xiriiray dhimashada tirade badneed ee ciidamadooda kasoo gaartay dagaalki Degmada Dayniile ee kula galeen Dagaalyahanada Ururka Alshabaab
"Dagaalka waxa uu ku bilowday markiisii hore si sahlan oo aan yareysanay, laakiin arrinkuu wuxuu isbedelay 10-saqiiqo markii uu dagaalku socday oo kooxihii nala dagaalamayey ay meel kasta ka soo dhasheen" ayuu yiri Arcade Arakaza oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Burundi ee ku dhaawacmay dagaalkii Dayniile isagoo jiifa isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Mr. Arcade Arakaza oo wareysi siiyey wargeyska The New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa sheegay sidoo kale in 70-askartooda ka mid ah uu hubo inay dagaalka ku dhinteen, halka tiro kale oo badanna ay ku dhaawacmeen, wuxuuna tirada dhaawaca uu ku sheegay inta uu ogyahay sida uu yiri 150-askar ka badan.
"Deegaanku waxa uu ahaa mid aad u yar, kooxihii naga soo horjeeday ee Al-shabaab waxay bilaabeen inay ka baxaan goobta, waxaan u tagnay dad dhoolla-cadeynaya oo dhahaya erayo ay ka mid yihiin Ha welwelin Shabaab way u dhamaantay, laakiin waxyar ka dib waxaa meel walba ka soo dhacay rasaasta qoryaha daran-dooriga u dhaca, haweenka, caruurta iyo cid walba waxay rasaasta u soo fureen dhinaceena xittaa waxaa nagu soo dhacay sawaariiq aan ku ogeyn inay heystaan Al-shabaab, waayo annaga ka AMISOM ahaan ma aaminsaneyn in hub noocaasi oo kale ay heystaan Al-shabaab, waxay aheyd arrin la yaab leh, waayo dagaalyahanada Al-shabaab waxay naga xireen dariiq walba, wax walba oo ay heysteenna way nagu fureen, ciidankeenii qalqal ayaa ku dhacay, waxaana loogu baaqay in ciddii is badbaadin karta ay isbadbaadiso" ayuu ku yiri Wareysiga Arcade Arakaza.
Sidoo kale sarkaalkan ka tirsan ciidamada Burundi ee ku dhaawacmay dagaalkii Dayniile waxaa kale oo uu yiri "Askarteenii way kala firxadeen, kuwii Soomaalida mar hore ayaaba noogu wardambeysay, aniga iyo saraakiil kale waxaa noogu wardamebeysay meydadka askarteena oo intooda badan gacanta u galay Al-shabaab, waxaana dagaalkii Dayniile ka dhacay uu noqonayaa kii uu khasaaraha badnaa ee na soo gaara, waxaana noo xiga kii Wasaaradda Gaashaandhigga aan ku qabsanay oo xittaa askar nool nool nalaga qabsaday".
Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka Muqdisho looga dilay askar gaareysa 500-askari, kuwaas oo ka kala socda dalalka Burundi iyo Yugandha afartii sano ee ay howlgalka ka wadeen Soomaaliya, waxayna sheegeen in askartii ugu badnaa laga dilay wixii ka dambeeyay sanadkii 2009-kii markaas oo ay Itoobiya ciidamadeeda kala baxday Soomaaliya.
Burundi oo Qiratay Dhimashada 70-Askari oo Ciidamadooda Ah
Dowlada Dalka Burundi oo kamid ah Dowladaha Ciidamadooda kajoogaan gudaha Somaliya ayaa xaqiijiyay sugnaashaha wararki la xiriiray dhimashada tirade badneed ee ciidamadooda kasoo gaartay dagaalki Degmada Dayniile ee kula galeen Dagaalyahanada Ururka