Sarkaal ka tirsan ciidamada Burundi ayaa sheegay in cutubkaani uu noqonayo midkii ugu horeeyay ee laga soo saaro dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi raaciyay in bilowga sanadka cusub ee 2015-ka ciidamada Burundi dhammaantood laga soo saarayo Soomaaliya.
In ka badan 80-ciidan oo ka socda dalka Burundi ee ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta isaga baxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana ciidamadaasi oo lagu daabulay diyaarado la geynayaa dalkoodii, iyadoo cutubkaani uu noqonayo kii ugu horeeyay ee si rasmi ah dalka looga saaro.
Ciidamada Burundi oo gudaha dalka Soomaaliya ka howlgelayay muddo ka badan hal sano, ayaa la sheegayaa in lagu bedeli lahaa ciidamo ka socda dalka Sierra Leone, hase yeeshee dib loo dhigay kaddib markii dalkaasi uu ka dillaacay cudurka Epola.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada Burundi ee ka baxaya dalka Soomaaliya lagu bedelayo ciidamada Dowladda Itoobiya oo haatanba qeybo ka tirsan dalka ku sugan iyagoo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Dhinaca kale kulamo horay u dhex maray madaxda dalalka Soomaaliya iyo Burundi ayaa lagu go'aamiyay heshiisyo dhowr ah oo dhex maray madaxda labada wadan, inkasta oo heshiisyadaasi ay ka mid ahaayeen dhinaca ammaanka iyo xiriirka labada dal ayaan hadana la ogeyn sababta xilligaan keentay in ciidamada Burundi dalka laga saaro.
Qeyb ka mid ah ciidamada Burundi oo ka baxay magaalada Kismaayo
Sarkaal ka tirsan ciidamada Burundi ayaa sheegay in cutubkaani uu noqonayo midkii ugu horeeyay ee laga soo saaro dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi raaciyay in bilowga sanadka cusub ee 2015-ka ciidamada Burundi dhammaantood laga soo saarayo Soomaaliya