Golaha amaanka ee Q,M ayaa casuumad u diray Madaxeynaha Eritrea Asisas Afwarki si wadahadal ay ugala yeeshaan madaxweynaha eedeymaha isa soo tarayay eek u aadan taageerada Eritrea ay siiso xarakada Shabaab sida ay sheegaan wadamada Kenya iyo Ethiopiya.
Xubnaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ku balansan kulan gaar ah oo looga arinsanayo murunka ku saleysan faragalinta dhinaca siyaasada ee dalka Eritrea taasi oo ay qabaan qaar ka mida madaxda dalalka IGAD sida dalalka Kenya iyo Itoobiya oo iyagu dhowr jeer sheegay inay hub gaysay Eritrea gudaha dalka Soomaaliya.
Dalalka Kenya iyo itoobiya ayaa sheegay in ay hub u soo daabushay Eritrea Al-Shabaab bilihii la soo dhaafay, kaasi oo la sheegay in laga dejiyay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Eritrea ayaa la sheegay inay Soomaaliya keentay ilaa iyo sedex diyaaradood oo hub sida, kuwaasi oo ka degay garoon ku yaala magalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo la sheegay in hubkaasi loo waday xarakada Al-Shabaab.
Dowladda Eritrea waxaa ay siweyn uga soo horjeedsatay eedeyntaasi iyadoo dhinaca kalena ku tilmaantay arinkaasi mid lagu kala fogeynayo xiriirka u dhexeeya dalalka dariska gaar ahaan wadanka Somaliya .
Xafiiska xoghayaha guud ee Q,M Ban Ki Moon war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in maalin dib loo dhigay kulanka gaarka ah ee ku saabsan cod loo qaadi doono cunaqabateyn xooggan oo goluhu ku xukumi doono dowlada Eritrea, taasoo la xariirta warbixino ay soo gudbiyeen kooxda la socdka cunaqabateynta hubka wadanka Somaliya ee UN Monitoring Group iyo saraakiil ka tirsan dowladaha Kenya iyo Itoobiya.
Hogamiyaha dalka Eritrea oo looga yeeray Xarunta Qaramada Midoobe
Golaha amaanka ee Q,M ayaa casuumad u diray Madaxeynaha Eritrea Asisas Afwarki si wadahadal ay ugala yeeshaan madaxweynaha eedeymaha isa soo tarayay eek u aadan taageerada Eritrea ay siiso xarakada Shabaab sida ay sheegaan wadamada Kenya iyo Ethiopiy