Heshiiskii Nicolas Anelka Iyo Kooxda Chinese-ka Ah Ee Shanghai Shenhua Oo La Xaqiijiyay.

0
Tuesday December 13, 2011 - 14:24:10 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiiskii Nicolas Anelka Iyo Kooxda Chinese-ka Ah Ee Shanghai Shenhua Oo La Xaqiijiyay.

    Labada kooxood ee Chelsea iyo Shanghai Shenhua ayaa ku heshiiyey sidii uu weeraryahanka reer France Anelka uu ugu biiri lahaa kooxda ka dhisan dalka Shiinaha ee Shenhua.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada kooxood ee Chelsea iyo Shanghai Shenhua ayaa ku heshiiyey sidii uu weeraryahanka reer France Anelka uu ugu biiri lahaa kooxda ka dhisan dalka Shiinaha ee Shenhua. Anelka ayaa la soo bandhigey maaliyadii uu xiran lahaa sawiro maanta la soo geliyey websityada caalamka, hase yeeshee kooxda uu ku biirey ayaa sidoo kale waxa ay dooneysaa Drogba.

Qoraal ka soo baxay kooxda Chelsea ayaa lagu shaaciyey in labada kooxood ay ku heshiiyeen in Nicolas Anelka ku wareego kooxda ka dhisan dalka Shiinaha bisha Janaayo ee soo socota.

kooxda ka dhisan dalka Shiinaha ayaa iyadana cadeysey in Anelka uu muddo labo sano ah ay ku wada heshiiyeen isagoo qaadan doono mushaar ahaan lacag gaareysa £175,000 toddobaadkii.

Hase ahaate kooxda ayaa weli dooneysaa Drogba iyadoo milkiilaha kooxda oo ah nin maalqabeen ah Zhou Jun uu doonayo in lacag badan geliyo kooxda.

Kooxda haatan uu ku biirey Anelka ayaan soo bandhigin qorshaha ay ku dooneysa Drogba hase ahaatee waxaa ay madaxda kooxdaasi sheegeen inay xiiseynayaan weerarayahanka reer Ivory Coast ee Didier Drogba.

Si kasta ha ahaatee naadi kale oo ka mid ah kooxaha ka dhisan dalka Shiinaha lana yiraahdo Dalian Aerbin ayaa sheegay inay ku doonayaan Drogba lacag dhan £30million mushaar ahaana toddobaadkii ay u siineyso lacag dhan £200,000.

Kooxda ka dhisan dalka Ruushka ee Anzhi ayaa hore u cadeysey inay dooneyso Drogba, balse illaa iyo hadda kooxda Chelsea ma cadeyn qorshaheeda iyadoo la ogyahay in dhamaadka xilli ciyaaredkan uu heshiiska uu kula joogo Drogba ku egyahay.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip