Xaflad casho sharaf ah oo lagu qabtay Puntland (Daawo Sawiro)

0
Friday December 23, 2011 - 13:08:52 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflad casho sharaf ah oo lagu qabtay Puntland (Daawo Sawiro)

    Garowe, Dec. 22.2011---------- Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ka dhacday xaflad casho sharaf aheyd oo loo sameeyey madaxdii iyo mas’uuliyiintii u timid si ay uga qeybgalaan shirka Wadatashiga ee Dastuurka dalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garowe, Dec. 22.2011---------- Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ka dhacday xaflad casho sharaf aheyd oo loo sameeyey madaxdii iyo mas’uuliyiintii u timid si ay uga qeybgalaan shirka Wadatashiga ee Dastuurka dalka kuwaasoo ay ugu horeeyeen madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed, Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo kuxigeenadiisa Mudane Xuseen Carab Ciise, C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalim, iyo marti sharaftii kale ee isugu jirtay Wasiirada, Xildhibaanada, Bulshada Rayidka, Ahlusunna Waljamaacah, iyo wakiilada beesha caalamka, gaar ahaana UNPOS iyo IGAD.


Xafladan oo aad loo soo agaasimaya ayaa waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Puntland, waxaana dhanka maaweelada iyo heesaha aad wacdaro uga muujiayay kooxda Waaberi Puntland, iyo Fanaanka Axmed Naaji Sacad oo isagu halkaasi ka qaaday heeso qiiro iyo wadaninimo ku dheehneyd.

Xafladan oo aheyd casho sharaf ayaa waxaa hadalo ka jeediyay madaxweynaha maamulka Puntland Mr. Faroole iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed waxayna labada mas’uul si isku mid ah rajo wanaagsan uga muujiyeen miro wanaagsan oo ka soo baxa shirka heerkiisu sareeyo ee lagu qabtay Garowe lana filayo in berri la soo gabagabeeyo.

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM

http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Garowe%20(1).jpg
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Garowe%20(3).jpg
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Garowe%20(4).jpg
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Garowe%20(5).jpg
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Garowe%20(6).jpg

Dhamaad

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip