Waxa maanta marki ugu horeysay saxaafada shir jara’id uqabtay gudoomiyaha baarlamaanka Madoobe Nuunow Maxamed oo malainimadi shalay ay udoorteen gudoomiyaha baarlamaanka mudanayaashi kal hore xilka kaqaaday Shariif Xasan
Mudane Nuunow ayaa sheegay in
tallaabada ugu horreysa oo uu qaadayo ay tahay sidii uu ugu shaqeyn
lahaa sharciga dalka u yaalla, uuna meesha uga saari lahaa
jaha-wareerka iyo kala aragti duwanaanta u dhexeysa xidhibaannada
baarlamaanka isagoo tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku
sameeyeen isbedello.
"Howlaha aan qabanayno waxaa ka mid ah in
baarlamaanka aan ka bedelno kuwii ka horreeyay, waxaana ka shaqeynaynaa
sidii ay xildhibaannadu u dhexgeli lahaayeen shacabka ay kasoo
jeedaan," ayuu yiri Madoobe Nuunow oo intaas ku daray in wax walba lagu
hoggaamin doono sharciga.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in si
deg-deg ah uu xildhibaanno baarlamaan u diri doono ururka Midowga
Afrika, IGAD iyo beesha caalamka si ay ugala soo hadlaan isbedelka
dhacay. Isagoo carabka ku dhuftay in doorashadiisu ay tahay mid sharci
ah.
"Dadaalkii aan soo galnay wuxuu ahaa mid aan wax ku saxaynay
, haddana diyaar ayaan u nahay inaan wax ka bedelo qaabka uu
baarlamaanku ku shaqeeyo," ayuu yiri Madoobe Nuunow.
Ugu
dambeyn, wuxuu sheegay inuusan wax hambalyo ah weli ka helin
madaxweynaha balse uu rajeynayo inuu ku qanco doorashadiisa, isagoo
dalbaday in la horkeeno baarlamaanka heshiisyadii la galay oo dhan si
loo ansixiyo.
Xildhibaan Madoone Nuunow Maxamed oo shalay ay
xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ay u doorteen guddoomiye baarlamaan
ayaa waxaa doorashadiisa kasoo horjeestay guddiga ammaanka Qaranka oo
uu madax u yahay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Madoobe Nuunow oo saxafada uga warbixiyay qorshe howleedkisa
Waxa maanta marki ugu horeysay saxaafada shir jara’id uqabtay gudoomiyaha baarlamaanka Madoobe Nuunow Maxamed oo malainimadi shalay ay udoorteen gudoomiyaha baarlamaanka mudanayaashi kal hore xilka kaqaaday Shariif Xasan