Madaxweyne Farmajo oo amray howgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge Al-Shabaab ka tirsan

0
Friday August 11, 2017 - 01:11:26 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmajo oo amray howgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge Al-Shabaab ka tirsan

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab.

Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go’antahay in kooxaha argagaxisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.

DHAMAAD



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip