Dagaal qaraar ayaa gabaldhici caawa waxa uu kaqarxay degmooyinka Hurwaa iyo Kaaraan oo dhaca dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho iyadoo dagaalkanu ahaa mid udhaxeeyay ciidamada dowlada, Amisom oo isku dhinac ah iyo Alshabaab, Dagaalka ayaa sida caadada ahba waxa uu qarxay kadib marki ciidamo katirsan xarakada Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimo dhowr ah oo ciidamada dowlada iyo Amisom kuleeyihiin gudaha degmooyinka Hurwaa iyo Kaaraan.
Ciidamada Alshabaab ayaa lasheegay in abaarihi shanta galabnimo ee weerar kusoo qaadeen fariisinka ciidanka dowlada iyo Amisom ay kaga sugan yihin xaafada Waxar Cade ee degmada Hurwaa halkaasi oo qasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.
Sidoo kale ciidamo katirsan kuwa Alshabaab ayaa iyana weerar ku qaaday fariisin ciidanka dowlada iyo Amisom kaga sugan yihiin nawaaxiga sarta Habarta Gaalo oo kudhaw isbitaalka Keysaney .
Wili si rasmi ah looma oga qasaaraha kadhashay dagaalki gabaldhici caawa kadhacya degmooyinka Hurwaa iyo Kaaraan hasa yeeshe dadka deegaanka ayaaa qiray guuxa rasaasta labada dhinac isweydaarsadeen inuu ahaa mid baqdin kureebay dadka deegaanka.
Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ayaa had iyo jeer weeraro aan sida ubuurneen waxa ay kala kulmaan ciidamo katirsan Alshabaab kuwaasi oo si xiriir ah usoo weerara mid kamid ah saldhigyadooda ee kaga sugan yihiin daafaha Muqdisho, iyadoona dadka deegaanada dowlada kataliso kunool ay qaati ka taagan yihiin rasaasta aan tirsiga laheen ay ridaan ciidamada Amisom xiliyada lasoo weeraro.
Majirto mas’uul katirsan dowlada, Amisom iyo Alshabaab oo midna lahadlay saxaafada hasa yeeshe dagaaladaani ayaa qeyb ka ah dagaalada aan dhamaadka laheen ee magaalada Muqdisho/
Dagaalo culus oo caawa kadhacay Hurwa & kaaraan.
Dagaal qaraar ayaa gabaldhici caawa waxa uu kaqarxay degmooyinka Hurwaa iyo Kaaraan oo dhaca dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho iyadoo dagaalkanu ahaa mid udhaxeeyay ciidamada dowlada, Amisom oo isku dhinac ah iyo Alshabaab,