Garoomada Kubada Cagta Muqdisho waa dhiseynaa dhawaaan

0
Wednesday March 14, 2012 - 10:30:57 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Garoomada Kubada Cagta Muqdisho waa dhiseynaa dhawaaan

    Wasaaradda Isboortiska iyo Dhallinyarada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan dib u dhis lagu sameynayo dhammaan garoomada ciyaaraha ee ku yaalla caasimadda, iyadoo sheegtay in ay la dardar galin doono soo celinta Tartamadii Isboorti ee dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Isboortiska iyo Dhallinyarada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan dib u dhis lagu sameynayo dhammaan garoomada ciyaaraha ee ku yaalla caasimadda, iyadoo sheegtay in ay la dardar galin doono soo celinta Tartamadii Isboorti ee dalka.
Wasiirka Isboortiska iyo Dhallinyarada Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Muxiyidiin Sheekh Mursal ayaa sharraxay qorshaha ugu aadan Isboortiska dalka waxa uuna sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho laga billaabi doono dib u dhiska garoomada Ciyaaraha isla markaana ay wadaan qorshayaal kale.

"wasaaradda waxa ay wadaa qorshayaal ay ka mid yihiin in la dardar galiyo qabashada Tartamada Isboortis ee dalka, waxaan ku dadaalli doonaa in si dhaqsi leh loo hello garoomo hagaagsan si loogu qabto qeybaha kala duwa ee Isboortiska” ayuu yiri wasiirka Isboortiska Soomaaliya.

Dhinaca kale wasiirka ayaa tilmaamay in gobolka Banaadir lagu qaban doono Tartanka ciyaarada Kubadda Cagta gobollada dalka, isla markaana ay hadda ay arrintaasi hirgalinteedu ay u socoto si habsami leh.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay waxyaabaha hakadka galiyay Tartamadii Isboorti ee degmooyinka kala duwan ee dalka ayuu ku jawaabay, "dalka waxaa ka dhacay dagaallo ay hurinayeen Al-Qaacidda laakin hadda arrintaasi meesha ayeey ka baxday, waxaanna wadnaa sidii arrimaha aad i weydiiseen loo dardar galin lahaa”.

Dabayaaqadii sanadkii tagay markii Al-Qaacidda laga saaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa ka dhacay Tartan lama illaabaan ah ee uu marti galiyay madaxwenaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaasi oo iftiimiyay soo celinta kaalinta isdhexgalka Bulshada.





W/D: Abdi Shiine Moalin
E-mail: shiine173@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip