Sidee looga Xusay Maalinta uu dhashay Nabigeeni Muxamad (C/S/W) Baydhabo (Daawo Sawiro)

0
Friday July 25, 2008 - 19:38:10 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee looga Xusay Maalinta uu dhashay Nabigeeni Muxamad (C/S/W) Baydhabo (Daawo Sawiro)

    Waxa guud ahaan Gobolada Dalka Soomaaliya manta si weyn looga xusay Maalinta 12 mowliid oo ku began maalinta uu dhashay Nabi Muxamad C/S/W. Gobolada Bay iyo Bakool ayaa maanta waxa ka jiray Xaflado waaweyn kuwaasi oo lagu weyneenaayo maalinta uu Dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa guud ahaan Gobolada Dalka Soomaaliya manta si weyn looga xusay Maalinta 12 mowliid oo ku began maalinta uu dhashay Nabi Muxamad C/S/W. Gobolada Bay iyo Bakool ayaa maanta waxa ka jiray Xaflado waaweyn kuwaasi oo lagu weyneenaayo maalinta uu Dhashay Rasuulkeena Muxamad (NNKH)

Waxa guud ahaan Gobolada Dalka Soomaaliya manta si weyn looga xusay Maalinta 12 mowliid oo ku began maalinta uu dhashay Nabi Muxamad C/S/W.
Gobolada Bay iyo Bakool ayaa maanta waxa ka jiray Xaflado waaweyn kuwaasi oo lagu weyneenaayo maalinta uu Dhashay Rasuulkeena Muxamad (NNKH)

Magaalo Madaxda Gobolka Bay ee Baydhabo ayeey aheey Xafladi ugu weyneed ee ka dhacday gobolka Bay xafladihi kala gedisnaa ee munaasabada qiimaha leh ee Xuska Nabi Muxamad C/S/W.

Culimada Ahlusunna waljamaac ee Magaalada Baydhabo oo hogaaminaayo Macalin Xusen iyo Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo ayaa ka wada qeyb galay Xafladi ugu Balaarneed ee manta ka dhacday Degmada baydhabo taas oo iskuugu soo baxeen Bulshada ku dhaqan Degmadaasi sida Caadada u ah Umada soomaaliyeed gaar ahaan Dadka ku dhaqan degmada Baydhabo oo had iyo jeer weyneeya Dhalshada Nabigeena Muxamada NNKH.


Culimada Ahlusuna ee Baydhabo oo ufadhido Aqriska Kitaabka Mowliidka

Culimada Ahlusuna ee Baydhabo oo ufadhido Aqriska Kitaabka Mowliidka

Dhanka kale Guud ahaan Magaalada Baydhabo ayaa manta waxa la dareemayay dhaq dhaqaaqyo saa’id ah kuwaasi oo dadka koox koox iyo shaqshaqi ay guryaha uga dhigayeen isla markaana lagu aqrinaayay guryaha iyo masjidyada Dikriyo iyo nabi amaano lagu sharfaayo qiimaha oo leeyahay Nabigeena Muxamada

.

Si kasta oo ay ahaataba gabagabadii Xafladahani ayaa barxada weyn ee Magaalada Baydhabo waxa muxaadarooyin ruxay qalbiga kasoo qeyb galayaasha halkaa ka jeediyay qaar ka mid Culimada Ahlusuna Waljamaac ee Degmada Baydhabo oo had iyo jeeraale utaagan Fidinta diinta Islaamka iyadoo kasoo qebgalayaashi Munaasabadaan la faray in alle ka baqaan umada Islaamka ahna Nabad galyo iyo Barwaaqo siiyo.


Qaar ka mid ah Culimada Ahlusuna Waljamaac ee Magaalada Baydhabo

Qaar ka mid ah Culimada Ahlusuna Waljamaac ee Magaalada Baydhabo oo soo xaadiray aqriska mowliidka

Sidoo kale Halka ay ka dhacday Munaasabadaan ayaa qasiiidooyin aad umacaan badan waxa ka aqriyay Qaadiga Dikriga Uweysiyada ee kasoo jeeda Gobolka Bay Qaadi Armiiye sheekh Abdulaahi oo runtii Cod Macaan badan ku qaaday dhamaan nabi amaanadi ay inoo dajiyeen Culimada Ahlusuna Waljamaac oo u horeeyo Shiikheena sheikh Aweys Dheere oo runtii Tusmo iyo Tusaale kasta umaray sida uu dadka ufahamsiin lahaa shareecada Islaamka manta lagu xasuusto Dadaalka oo usoo galay fidinta diinta islaamka ee Geeska Afrka


Qaar ka mid ah Culimada Ahlusuna Waljamaac ee Magaalada Baydhabo oo soo xaadiray aqriska mowliidka

Waa bahda shabakada Warsheekh ee Gobolka Bay gaar ahaan Magaalada Baydhabo oo idin leh sanadkaan Sanadkiisa Samo iyo siyaad iyo Nabad Barwaaqo iyo Maslaxo Caam ah oo saameeso Dadka iyo Dalka Soomaaliya.


C/fataax Hanis
Baydhabo

Hanis777@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip