Lionel Messi Iyo Xavi Oo Shabaqa Soo Taabtay Xilli Barcelona Ay Garaacday Sevilla.
(Laacib.net) Bulisiyoon uu dhaliyay Xavi iyo gool kale oo ka yimid Lionel Messi ayaa Barcelona ka caawiyay inay 2-0 kaga badiyaan Sevilla, waxaana ay hogaanka horyaalka ka dhigeen in looga haayo 7 dhibcood.
(Laacib.net) Bulisiyoon uu dhaliyay Xavi iyo gool kale oo ka yimid Lionel Messi ayaa Barcelona ka caawiyay inay 2-0 kaga badiyaan Sevilla, waxaana ay hogaanka horyaalka ka dhigeen in looga haayo 7 dhibcood. Xavi ayaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 18aad, waxaana goolka labaad u saxiixay laacibka sannadka adduunka oo dhaliyay goolkii ay guusha ku xaqiijisteen kooxda Blaugrana.
Messi ayaa haatan dhaliyay goolkiisii 150aad ee La Liga, waxaana uu sidoo goolkiisa ahaa kiisii 231aad ee tartamada oo dhan isagoo afar gool kaliya u jira inuu soo barbareeyo rikoorka ciyaaryahanka tariikhda ugu goolasha badan Barcelona Ceaser.
Sidoo kale goolkaan waxa uu ahaa kii 31aad ee uu xilli ciyaareedkan La Liga ka dhaliyo, waxaana marka la isku soo dardaro xillli ciyaareedkan ay kooxda Sevilla wadar ahaan dhalisay La liga 27 gool.
Ciyaaryahan Andre Iniesta ayaa isna u aheyd habeen taariikh leh waxaana uu barbareeyay rikoorka Emilio Butragueño, isagoo saftay 50 kulan oo isku xigta oo kooxdiisa aan laga badinin.
Real Madrid oo leh 70 dhibcood ayaa soo ceshan karta hogaankooda 10ka dhibcood hadii ay axada ka badiyaan kooxda kaalinta afaraad Malaga o marti ku ah Santiago Bernabeu.