Madaxweyne Xasan oo u dhoofay Denmark xilli uu cirka isku shareeray khilaafka kala dhaxeeya Ra'iisal Wasaare C/Weli

0
Monday November 17, 2014 - 12:17:49 in Wararka by
  • Visits: 1573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo u dhoofay Denmark xilli uu cirka isku shareeray khilaafka kala dhaxeeya Ra'iisal Wasaare C/Weli

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisa ay ku wehlinayaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee ka soo jeeda garabkiisa ayaa ka qeyb gelaya shirka Denmark ka dhacaya kaasi oo looga hadlayo hiigsiga cusub ee Soomaaliya (New Deal).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisa ay ku wehlinayaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee ka soo jeeda garabkiisa ayaa ka qeyb gelaya shirka Denmark ka dhacaya kaasi oo looga hadlayo hiigsiga cusub ee Soomaaliya (New Deal).
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport waxaa goor dhow ka dhoofay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku sii jeeda wadanka magaalada Cobenhegan ee dalka Denmark, safarkaan oo ka duwan safaradii uu Madaxweynaha ku tegi jiray dalalka caalamka.

Shirka magaalada Cobenhegan oo furmaya 19-ka bishaan oo soconaya muddo hal bil ah ayaa looga hadlayaa xaaladda wadanka Soomaaliya iyo sidii loo hurmarin lahaa dhinacyada ammaanka, siyaasadda, dowlad wanaaga iyo dib u dhiska dalka.

Beesha caalamka ayaa ka walaacsan khilaafka xalka loo la'yahay ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh, kaasi oo saameyn ku yeeshay hay'adaha sare ee Dowladda sida Baarlamaanka oo Xildhibaanada ay ku kala qeybsameen.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip