Abduqadir Max'ed ”Abraar”

0
Tuesday April 03, 2012 - 07:57:49 in Tacsi by Xarunta Dhexe
  • Visits: 6911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abduqadir Max'ed ”Abraar”

    Dhambaal Tacsi Ah Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Waxaa Shalay oo Taariikhdu aheyd 01-04-2012 ku geeriyooday Isbitaalka Rigshospitalet oo ku yaal Magaalada Copenhagen/DK Allaha u naxariistee Marxuum Cabduqaadir Maxamed Xasan oo loo yaqaanay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhambaal Tacsi Ah Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Waxaa Shalay oo Taariikhdu aheyd 01-04-2012 ku geeriyooday Isbitaalka Rigshospitalet oo ku yaal Magaalada Copenhagen/DK Allaha u naxariistee Marxuum Cabduqaadir Maxamed Xasan oo loo yaqaanay ”Abraar”. Sidaas darteed dhamaan Jaalliyada Mudulood ee ku nool dalka Denmark
waxay ayaga oo ka murugeysan geerida tacsi u diraayaan guud ahaan qoyska, ehelada iyo asxaabta uu Marxuumku ka geeriyooday. Sidoo kale waxaa tacsi aad u tiiraanyeysan loo diraa Xaaska, caruurta iyo waalidka iyo walaalaha Marxuumka. Jaalliyada waxey si wadajir u leeyihiin Geerida ku timid Abraar dhamaanteen samir iyo iimaan Ilaah ha naga wada siiyo, Waxayna Allaha Waaxidka ah uga baryaayaan inuu u naxariisto Marxuumka, Jannatul Fardowsa na uu ka waraabiyo, aamiin aamiin.

Taariikhda Marxuumka oo Kooban:

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir Maxamed Xasan ”Abraar” waxuu bartamihii 1960-meeyadii ku dhashay Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho. Yaraantiisii ayuu Dugsi Qur’aan ka bilaabay xaafadda Ceel Aw-Muude, ka dibna wuxuu Dugsiga Hoose/Dhexe ku soo qaatay Iskool Ex-Boondheere. Dugsiga Sare ee Sakhaawadiin ayuuna waxabarshadiisa Sare ku dhameystay.

Abraar(A:U:N) waxuu ka dib markuu buuxiyey sharuudaha lagu noqon karo leyli- sarkaal ku xarooday Kulliyada Tababarka Saraakiisha Ciidamada ee Jaalle Siyaad, wuxuuna dhowr sanno ka dib ka soo qalin jebiyey Kulliyada asigoo ah sarkaal buuxa darajadiisuna ay tahay 2 xiddigle ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka. Waxaana lagu qoray oo uu xubin ka noqday Ciidamada Difaaca Cirka xaruntooda ku taalay Degmada Dayniile. Waxuuna ilaa iyo inta ayna qabta dhicin Darajeda Saraakiisha ka gaaray Gaashaanle.

Marxuum Abraar waxuu kale uu nasiib u yeeshay in dagaalada ka hor uu Jaamacada Gaheyr ku soo qaato waxbarasho la xiriirta Culuunta Ganacsiga oo uu ka qaatay heerka Bajolarka (Bachelor of economics).
Marka uu dalkeena ka bilowday dagaalka sukeeye Abraar(A:U:N) iyo qoyskiisa waxay qaxooti ku noqdeen dalka Denmark oo uu sidoo kale uga suuro gashay inuu ka qaato Jaamacada Erhvervsakademiet Lillebælt oo ku taal magaalada Vejle waxbarasho la xiriirta kombiyuutarka (Bachelor of Electronic data processing). Marxuumka wuxu ka tegay xaas, 4 wiil iyo laba gabdhood.

Dhambaalka Tacsida Qaraabada direysa waxaa ka mid ah:

1- Cabdulaahi Macalin Aybakar

2- Ibraahin Galooti

3- Xaaji Axmed Cumar Maxamed
4- Xaaji Axmed Weheliye Cadaawe

5-Xaaji Muxudiin Xasan Cali Saaqle
6- Xaaji Abuukar Cismaan Koofuroow
7- Maxmed Cali Cowke
8- Daahir Cabdulle Butugeey
9- Daa’uud Xuseen Ciidangale
10- Cabdiraxmaan Xasan Lixaati
11- C/laahi Cali Axmed
12- Daahir Ibraahim Waasuge
13- Yuusuf Xasan Jeeggo
14- Maxamed Salaad Cali Siyaad
15- Muxidiin Xaaji Cabdi
16- Yuusuf Cali Xaaji
17- Saciid Jimcaale Raagge
18- Shiikh Xasan Dheere
19- Maxamed Faarax Guudlaawe
20- Maxamuud Macalin Ciise
21- Cali Jimcaale Garre Liceey
22- Cabdi Axmed Owfuu
23- Cabdi Maxamed Socdaal Qurux
24- Maxamed Xasan Doolow
25- Axmed Eenow
26- Xasan Cumar Gaab
27- C/laahi Ibraahim Deboosito
28- Khaalid Xuseen Ciidangale
29- Xasan Maxamed Hitiyoow Dheere
30- Muuse Maxamed Waasuge
31- Cabdiraxmaan Ceynte
32- Yoonis X. Maxamuud Shuuriye
33- Xasan Cali Ciise
34- Cabdulqaadir Codka
35- Axmedeey Gaasow
36- Ibraahin Muxudiin Rooble Laddu
37- Nuur Cali Cabdi Hogaan
38- Mahad Maxamed Xasan
39- Cabdixamiid Maxamed Xasan
43- Cusmaan Cali Caraale
44- Nuur Macow Maleele
45- Sheekh Abuukar Sh. Xuseen Cadde
46- Cumar Maxamed Abuukar
47- Saalax Aybakar Maxamuud
48- Cabdulqaadir Xasan Xuseen
49- Xasani Maxmed Cali
50-Cabdulaahi Shaacib
51- Ciise Ibraahim "Deboosito"
52- Ibraahim Calasoow
53- Ibraahim Nuur Cali Jimcaale
54- Cabeey Cali Ciise
55- Xasan Biikey
56- Cabdulqaadir Biille
57- Cabdinuur Cirka Cagoole
58-Cabdulqaadir Direey
59- Muxudiin Cali Tooxow
60-Cabdulrisaaq Cabdulle Siyaad



GEERIDU WAA XAQ



Qoraalkan waxaa diyaariyey

Daa’uud Ciidangale
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip