Culuma'udiin Caan ah oo kamid yahay Sh: Max'ed Kulmiye oo siweyn loogu soo dhaweeyay Konfur Afrika (Daawo Sawiro)

0
Thursday January 23, 2014 - 13:20:51 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2307
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 4
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Culuma'udiin Caan ah oo kamid yahay Sh: Max'ed Kulmiye oo siweyn loogu soo dhaweeyay Konfur Afrika (Daawo Sawiro)

    Waxa magaalada Cape Town ee dalka Konfur Afrika sidiiran loogu soo dhaweeyay Wafdi Balaaran oo Mashaa'iq Soomaaliyeed ah kuwaasi oo kayimid magaalada London ee Caasimada wadanka Ingiriiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa magaalada Cape Town ee dalka Konfur Afrika sidiiran loogu soo dhaweeyay Wafdi Balaaran oo Mashaa'iq Soomaaliyeed ah kuwaasi oo kayimid magaalada London ee Caasimada wadanka Ingiriiska Wafdiga Masha’iqda oo ee kamid yihiin , Sheekh Maxamed Kulmiye Axmed, Sheekh Axmed Xuseen Cabdi, Sheekh Axmed Caato iyo Sheekh Maxamed Suufi ayaa waxa siweyn ugu soo dhaweeyay Cape Town International Airport, Culuma’udiinka Ahlusunah Waljamaac ee Magaalada Capetown iyo madax kale oo isugu jirto Ganacsato, Aqoonyahano iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Cape Town ee wadanka Konfur Afrika.

Soo dhaweyn iyo is marxabeen kadib ayaa waxey Culuma’udiinka ay gacan qaadeen dadki kasoo qeybgalay soo dhaweyntooda iyadoo hadal kooban oo mahad celin ahna ujeediyay dadki soo dhaweeyay iyagoo muujiyay sida weyn ee ugu faraxsan yihiin jaceylka iyo rabitaanka ee umuujiyeen dadkooda Soomaalida ee kunool wadanka Konfur Afrika oo aan ukala harin soo dhaweynta Culimada.

Dhanka kale Culuma’udiinka ayaa waxey mudo dhowr cisho ah kusii sugnaan doonaan gudaha wadanka Konfur Afrika iyadoo Muxaadarooyin iyo Cashiro diini ah bixin doona mudada ee joogaan halkaani.

Hadaba wararka la xiriiro booqashada Masha’iqda iyo kulamada ee la qaadan doonaan Jaaliyada Soomaalida ee kunool wadanka Konfur Afrika iyo ururada kale ee Islaamiga ah, dhamaan dib ayaa idinkala socod siin doonaa.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan



Xafiiska Shabakada Warsheekh
Cape Town Bellville
E-mail: warsheekh10@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip