Waxaa goordhaw Iska Hor imaad dhimasho iyo dhaawac sababay uu ka dhacay Xaafada Towfiid ee Degmada Yaqshiid kaa oo u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Askar katirsan Booliiska Soomaaliya ee dhac u geesteen Haweeney jaad gadeysay iyadoona dhaca kadib ee haweeneydaas wacatay Ciidamo katirsan Milatariga sidaana markii Milatariga goobtasoo gaareen Dagaalku ku bilowday.
Dagaalka oo socday Dqaiiqado kooban ayaa inta la'ogyahay waxaa ku dhintay hal Askari oo katirsan Ciidanka Booliiska halka uu dhaawaca soo gaaray Haweeney goobtaasi jaad ku iibineysay iyo Nin kale oo rayid ah.
Ciidamada Dagaalamay ayaana goobtaasi ku kala tagay iyadoona ee soo dhaxgaleen Ciidamo kale oo katirsan Dowlada KMG ,waxana xiligan Xaalada goobihii lagu dagaalamay ee tahay mid dagan.
Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaqshiid ayaa ka cabanaya dhac saf mar ah ee habeen iyo Maalin u geesteen Ciidamo katirsan Dowlada KMG kuwaa oo ka qaata Moobeelada iyo alaabha kale ee wataan.
W/D: Abdi Shiine Moalin
E-mail: shiine173@hotmail.com
Dagaal ciidamo kawada tirsan dowlada kudhax Maray Muqdisho
Waxaa goordhaw Iska Hor imaad dhimasho iyo dhaawac sababay uu ka dhacay Xaafada Towfiid ee Degmada Yaqshiid kaa oo u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya.