Qarax nuuca miinada ah oo lala beegsaday Ciidamada AMIZOM oo marayay wadada almukarama

0
Sunday December 28, 2008 - 12:59:32 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax nuuca miinada ah oo lala beegsaday Ciidamada AMIZOM oo marayay wadada almukarama

    Qarax nuuca Miinada ah ayaa waxaa saakay beegsaday kolanyo ciidamada AMISOM ah oo marayay wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax nuuca Miinada ah ayaa waxaa saakay beegsaday kolanyo ciidamada AMISOM ah oo marayay wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo aaneyn wax qasaare ah ka soo gaarin ciidamada AMISOM ayaa waxaa wadada isku gadaamay Ciidamada  Ethiopia ee wadadaasi qeybo ka mid ah ku sugan waxana ay hakad galiyeen qadar daqiiqado ah isku socodka dadka iyo gaadiidka waloow markii danbe ay dib u fureen.

Wadada qaraxa lagula eegtay Ciidamada AMISOM ee Makka Al Mukarama ayaa waxaa subax waliba howlo miino baaris lagu sheegay ka fuliya ciidamada Ethiopia kuwaasi oo qadar saacado ah hakad galiya dadka iyo gaadiidka,waxana tani ay la yaab ku noqotay dadka ka agdhow wadadaasi iyo gaadiidka isticmaala sida ay miinada halkasi uga qaraxday iyadoo ciidamada Ethiopia ay howlo lagu illaalinayo wadadaasi ka wadaan.

Qaraxani ayaa waxaa uu qeyb ka yahay weerarada iyo qaraxayada lala eegto ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye ee ku sugan gudaha dalka,mana ahan qarixii ugu horeeyay ee lala eegto ciidamada AMISOM tan iyo markii ay gudaha dalka Soo galeen.
 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip