Dhanka daafaca, booska Puyol uu ka maqan yahay ee daafaca dhexe waxaa la filayaa inuu buuxin doono Sergio Ramos halka daafaca midig uu ka ciyaari doono Alvaro Arbeloa. Dhanka kale Cesc Fabregas ayaa laga yaabaa inaanan riski la gelinin in lagu soo bilaabo ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu ka soo qaaday finalkii Copa del Rey lakiin Juan Mata iyo Santi Cazorla ayaa rajeynaya inay helaan fursad dhanka weerarka ah.
Italy ayaa iyagana dhibaatooyinkooda gooniga ah qaba, iyadoo daafaca Domenico Cristico looga soo tagay xulka madaama looga shaki qabo inuu qeyb ka yahay fadeexada la xiriirta qamaarka ee ruxday dhawaanahan Italy, halka Giuseppe Rossi uu isna dhaawac dartiis uusan uga qeyb qaadan karin koobkaan, Andrea Barzagli ayaa isna dhaawac ah waxaana la filayaa inuu seego labada kulan ee ugu horeysa Group C.
Daafaca Giorgio Chiellini ayaa seegay kulankii Azzurri ay guuldarada 3-0 ka soo gaartay Russia, lakiin waxa uu sheegtay inuu si buuxda u soo kabsaday islamarkaana uu daafaca ku soo bilaaban doono. Ciyaaryahanka khadka dhexe Daniele De Rossi ayay u badan tahay inuu ciyaari doono daafaca seddexda ah ee la filayo inuu ku soo shirtago tababare Prandeli, madaama uu ka soo wareeganayo qaab ciyaareedka 4-3-1-2, waxaana la filayaa inuu ku soo shir tago 3-5-2.
Emanuele Giaccherini iyo Federico Balzaretti ayaa u dagaalami doona booskooda garabka bidix, lakiin Antonio Cassano iyo Mari Balotelli ayaa la filayaa inay weerarka kawada ciyaari doonaan.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
Spain (4-2-3-1): Casillas;Arbeloa, Ramos, Pique, Alba;Xabi Alonso, Busquets;Silva, Xavi, Iniesta;Torres
Italy (3-5-2): Buffon;Bonucci, De Rossi, Chiellini;Maggio, T. Motta, Pirlo, Marchisio, B’retti;Balotelli, Cassano
MA OGTAHAY? |
Kulamada maanta la ciyaarayo waa Group C:
Spain v Italy (waxa ay soo geli doontaa 7da fiidnimo xilliga Afrikada Bari)
Republic of Ireland v Croatia (Waxa ay soo geli doontaa 9:45 PM xilliga afrikada bari)
Sadaal ka bixi kulamadaan xiisaha leh ee caawa dhici doona?
Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Euro 2012 Ee Spain v Italy.
)Laacib.net) Spain ayaa kulankooda ugu horeeya ee Euro 2012 waxa ay ku bilaaban doonaan caawa iyadoo ay ka maqan yihiin David Villa iyo Carles Puyol, kuwaasoo dhaawac dartiis looga soo tagay.