Ciidamada Itoobiya oo markale xabsiga dhigay Sarkaal sare
Ciidamada Itoobiya ayaa mar kale xabsiga dhigay Iyaad Cabdi kaliil oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Ciidanka Dowlada KMG ee Soomaaliya howlgalada kawada Gobolka Gedo.
Ciidamada Itoobiya ayaa mar kale xabsiga dhigay Iyaad Cabdi kaliil oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Ciidanka Dowlada KMG ee Soomaaliya howlgalada kawada Gobolka Gedo. Iyaad Cabdi Kaliil oo ah Taliyaha Saldhiga Degmada Luuq ayaa waxaa xiray Ciidamo Itoobiyaan ah kuwaa oo dhawaan Sargaalkan xabsiga uga soo daayay kuna amary isaga iyo Ciidamo uu wato in ay Luuq ka baxaan ayna aadaan Degmada Garbahaarey.
Iyaad Cabdi Kaliil ayaan arintaan ka dhaga adeegay taa oo keentay in Ciidamada Itoobiya mar kale xabsiga dhigaan soo deyntiisana shuruurd uga dhigeen in uu ka baxo Degmada Luuq uuna aado Degmada Garbahaarey isla Gobolka Gedo.
Lama oga wali waxa ka dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Sargaalkan katirsan Ciidanaka Dowlada KMG ee Soomaaliya iyadoona hada ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu soo daayo .
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ayaa marar badan xabsiyada dhigay Saraakiil katirsan Ciidanka Dowlada kadib markii uu is fahmi waa oo kala dhax galo taa oo inta badan saamen ku yeelata Howlgalada Gobolada Dalka kasocda.