Koba Kudukade oo kawarbixiyay dagaladi udambeeyay ee gobolka

0
Saturday June 23, 2012 - 09:47:48 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 9239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koba Kudukade oo kawarbixiyay dagaladi udambeeyay ee gobolka

    Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise: "Koba Kudukade" oo ah hogaamiyaha ururka Alshabaab ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa kawarbixiyay dagaaladi udambeeyay ee xarakada lagaleen ciidamada isbaheysanaya xili uu sheekha ka hadlayay Qol ee Paltolk kuleey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise: "Koba Kudukade" oo ah hogaamiyaha ururka Alshabaab ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa kawarbixiyay dagaaladi udambeeyay ee xarakada lagaleen ciidamada isbaheysanaya xili uu sheekha ka hadlayay Qol ee Paltolk kuleeyihiin taageerayaasha ururka Alshabaab.
Koba kududake ayaa ugu horeyn tilmaamay in mudo aad udheer Soomaaliya ay dhibaato xoogan kuhayaan dalalka reer Galbeedka gaar ahaan todobo wadan oo mar walba doonayay ciribtirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

"7 Dal ayaa dalkaan kusoo duulay kuwaasi oo doonaya iney cirib tiraan diinta, dalka iyo dadka ilaah mahadiis iyaga baaba'ay wuuna socda wili bur burkoodi", ayuu yiri Sheekh Yuusuf Sheekh ciise gudoomiyaha maamulka Alshabaab ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Koba Kudukade ayaa sheegay hadal umuuqday barabagaanadada dagaalka kadib marki uu sheegay in jabki ugu xoogana ay gaarsiiyeen ciidamada huwanta marki Alshabaab ay badashay qorshihi dagaal taasi oo saamaxday in ciidamada is garabsanayo dib looga saaray deegaano.

"AMISOM lagu cadaabay magaalada Afgooye sidoo kalena ay ku cadaabi doonaan hadii ay horay ugu soo dhaqaaqaan dhanka Balcad" ayuu yiri xili si aad ah magaalada Muqdisho looga hadal hayo weerar maalinimadi shalay ciidamada dowlada iyo AMISOM ay kula wareegeen garoonka diyaaradaha Cisaley, dekedda macmalka ah ee Ceelmacaan, ee gobolka Shabeelada dhexe iyadoo sidoo kalena weerarkaas lagu dilay sideed katirsan dagaalyahanada ururka Alshabaab oo kujiro hogaamiyihi Shabaabka Ceelmacaan oo lagu magacabi jiray Abraar.

Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise ayaa ugu dambeenti taageero dhaqaale iyo mid cudud weediistay shacabka Soomaaliyeed ee kusugan gudaha dalka iyo dibadiisa isagoo ugu baaqay in xarakada Alshabaab ay is bar bar taagaan bacdama ay kujiraan xiligi ugu adkeeed ee cadowgooda isasoo baheestay .

Hadalka Sheekh yuusuf ayaa waxa uu imaanaya xili deegaano hoostaga gobolka uu kataliyo laga fara maroojiyay xarakada Alshabaab isla markaana ay socoto saan saan ciidamada huwanta kudoonayaan iney la wareegaan degmooyinka ugu waa weyn gobolka shabeelada dhexe sida Balcad, Jowhar, Mahaday, Warsheekh, Cadale iyo deegaano kale oo muhiim u ah gobolka


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip