Inkastoo wax maamul ah aysan kajirin degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe bacdama ay maalinti shalay macsalaameeyeen maamulki Alshabaab ee ka arimi jiray Warsheekh ayaanu hadana jirin wax ciidan katirsan dowlada iyo Amisom oo halkaa gaaray.
Warsheekh oo ah magaalo xeebeed caan ah oo ay dadka soomaaliyeed iyo dunida muslimkaba ay kuqadariso fidinta diinta Islaamka ayaa waxey kujirtaa xaalad kaduwan sadexdi sano ay ka talinayeen maamulka Alshabaab.
Isbadalo tartiib tartiib ah ayaa laga dareemaya magaalada Warsheekh gaar ahaan dhinaca ganacsiga, waxbarashada iyo waliba isdhax galka bulshada oo ay dadku dib umilicsanayaan dabeecadi lagu yaqiinay dadka reer Warsheekh.
.jpg)
Gooabaha sida weyn isbadalada looga dareemay ayaa kamid ah dhanka masjidyada oo aan lagu arkeenin horjooge katirsan shabaabka oo si qasab ah dada uhogaaminayo, iyadoo sidoo kale dadka reer Warsheeh ay ka nasteen aflagaadadi joogtada aheed ee lagula kici jiray Caqiidadooda, Culimadooda iyo nasabkooda.
Dhanka isbadalada dhalinyada ayaa ah mid siweyn looga dareemayo gudaha degmada Warsheekh gaar ahaan xeebta quruxda badan ee Warsheekh oo saakay ah mid ay dhalintu ugu baashaalayaan is kaduwan baryihi inasoo dhaafay oo xataa marka dhalintu ay ku dheelayeen ay ahaayeen kuwa qushuucsan oo aan faraxsaneen .
Sheekada ugu hadal heenta badan ee dadka reer Warsheekh isla dhax marayaan ayaa ah Shabaab ma baxyay?, taaasi oo kadhigan cadaadiski joogtada ahaa iney quluubta dadka nabada jecel ee reer Warsheekh ay kureebtay heer ee rumeesan waayaan in Shabaab kabaxay degmada Warsheekh
Saakay iyo Warsheekh (Sheeko Xiiso Badan)
Inkastoo wax maamul ah aysan kajirin degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe bacdama ay maalinti shalay macsalaameeyeen maamulki Alshabaab ee ka arimi jiray Warsheekh ayaanu hadana jirin wax ciidan katirsan dowlada iyo Amisom oo halkaa gaaray.