Majaajiliistaha caanka ah Marshaale oo Muqdisho lagu dilay
Allah u naxariistee Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) oo ka tirsanaa Majaajiliisteyaasha caanka ah ee Hobollada Qaranka Waaberi ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina kadib markii ay kooxo ku hubeysan Bastoolado ay ku weerareen hooygii uu ka de
Allah u naxariistee Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) oo ka tirsanaa Majaajiliisteyaasha caanka ah ee Hobollada Qaranka Waaberi ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina kadib markii ay kooxo ku hubeysan Bastoolado ay ku weerareen hooygii uu ka deganaa Degmada Waaberi ee Gobolkani Banaadir. Kooxaha dilka u geystay ALLAHA u naxariiste Cabdi Jeylaani Malaaq ayaa waxa ay tiradoodu gaareysay sedax kuwaas oo ku dilay hooygiisa uu ka daganaa dagmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxaana kooxaha dilka u geystay Marshaale ay ku hubeysnaa Baastoolada iyagoona Madaxa iyo Gacmaha xabad kala dhacay.
Dhaawaca marshaale ayaa la geeyay isbitaalka Madiine isagoona ku geeriyooday isbitaalka sida uu inaa xaqiijiyay Dr Maxamed Yuusuf oo ah madaxa caafimaadka isbitaalkasi.
Marshaale oo ku caan ahaa majaaajillooyinka iyo ruwaayadaha maadda iyo qosolka leh ayaa wuxuu la shaqeynayay TV-ga Universal iyo Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho. Sidoo kalena marxuumka waxaa uu horay ula shaqeeyay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.
Dilka Marxuum Marshaale ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho dhaawac loogu geystay Wariye Maxamed Nuur Shariif iyo Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle, kuwaasi oo dhaawacii loo geystay ka badbaaday.