

Guusha Mo Farah ee
London Olympics 2012 ayaa waxay tahay mid taariikhi ah oo weliba u si
gaar ah taariikh ugu ah Britain iyo guud ahaan Caalamka. Sidoo kale
guusha Mo Farah ayaa waxay farxad iyo maamuus u tahay dadka
Soomaaliyeed ee walba oo ay dunida ka joogaan.
Mo Farah oo intii
orodkan billowdayba meel dhexe kaga jiray tartanka ayaa wuxuu soo
tiigsaday hoggaanka markii ay tartanka ka harsan masaafo dhan 450 mitir
ookaliya, wuxuuna u awood sheegtay dhammaanba orodyahannadii kale ee
la tartamayay, kuwaasi oo iyagu isu heystay in ay ku guuleysteen
tartanka.
Markii
uu soo gebageboobay tartanka orodka 10,000 ayaa waxaa Mo Farah ku soo
xoomay saxafiyiintii garoonka oo sawirro tiro badan ka qaatay, sidoo
kale waxaa gudaha u soo galay halkii uu ku dabaal-degayay Xaaskiisa
Tania oo iyadu xaamilo ah iyo gabadhooda Rihanna, kuwaasi oo
damaashaadka la wadaagay.
Mo Farah oo ku dhashay Magaalada
Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa uu dalka Britain tegay
isagoo 8 sano jir ah kaddib markii ay dagaallada sokeeye ka billowdeen
dalka Soomaaliya, kaddibna wuxuu ka faa’iideystay fursadihii uu ka
helay Britain.
Mo Farah ma rabin in uu orodyahan noqdo,
bedelkeedna wuxuu jeclaa in uu noqdo ciyaaryahan dhinaca Kubadda Cagta
ah, laakin riyadaas ma rumoobin oo waxaa uu u rumowday tan orodka ee uu
caawa u dabaal-degayo guusheeda.

MO Farah oo ku guuleystay tartanka orodka ee 10,000 Mitir
Orodyahanka Mo Farah ayaa caawa taariikh Isboorti oo dhinaca orodka ah sameeyay kaddib markii uu ku guuleystay orodka 10,000 ee mitir ee ragga. Mo Farah oo u ordayay Britain ayaa wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay oo Biritish ah oo ku guuleystay billa