Sababta Wariye Yuusuf Garaad uga tagay shaqada BBC-da

0
Wednesday August 08, 2012 - 01:57:28 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababta Wariye Yuusuf Garaad uga tagay shaqada BBC-da

    Yuusuf Garaad Cumar, oo ahaa madaxa laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu ka hayay idaacadaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yuusuf Garaad Cumar, oo ahaa madaxa laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu ka hayay idaacadaas. Yuusuf Garaad, wuxuu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu xalay soo dhigay bogagiisa Facebook iyo twitter, waxaanu yidhi “20 sano ka dib, waxaan maanta [shalay] ka ruqseystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga ee BBC.”, waxaanu intaas raaciyay “Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal.”

Yuusuf Garaad, oo muddo dheer soo ahaa madaxda laanta Afka Somaliga ee BBC, ayaa waxa ay dad badani aaminsanyihiin inuu imika u wareegayo dhinaca siyaasadda, waxaanay is casilaadiisu ku soo beegantay wakhti la filayo inay Muqdisho ku qabsoonto doorashada madaxtinimada Somaliya, ka dib marka la doorto Baarlamaanka cusub.

Yuusuf Garaad, ayay dad badani ku eedeeyaan in mudadii uu madaxa Idaacadda ahaa uu ka dhigay xarun u adeegta siyaasadiisa iyo aragtiyihiisa shakhsiyeed, halka ay kuwo kalena ku ammaanaan inuu horumar gaadhsiiyay laanta Afka Somaliga.

Halkaan kadaawo Filim Yuusuf Garaad ku cadeenayo Mowqifkiisa




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip