Qalbi Dhagax oo cadeyay sababta uu u imaaneyn Muqdisho

0
Saturday September 29, 2018 - 11:32:54 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalbi Dhagax oo cadeyay sababta uu u imaaneyn Muqdisho

    Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa lagu wadaa in dhawaan uu booqasho ku tagi doono Puntland iyo Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa lagu wadaa in dhawaan uu booqasho ku tagi doono Puntland iyo Galmudug.

Qalbi Dhagax oo hada ku sugan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland ayaa waxa uu sheegay in doonaayo tagida Puntland iyo Galmudug oo kamid ah maamul goboleedyada dalka jira,isla markaana halkaasi uu kula kulmi doono Madaxa iyo shacabka ku dhaqan.

Sidoo kale Cabdikariin Sheekh Muuse ayaa ka dhawaan jiyay in uusan imaan doonin Magaalada Muqdisho,isagoo sababta ku sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan rabin in uu ka kulmo.

"Safarka aan ku tegi doono Puntland, Galmudug iyo meelo kale kama mid ahan Muqdisho maadama ay tahay goobtii laga iiga dhiibay dowlada Itoobiya”ayuu yiri Qalbi-Dhagax.

Dhinaca kale Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay joogaan Shacab badan oo taageyrsan,isla markaana ay aheyd in aan booqdo,balse aan dooneyn in aan tago Muqdisho.





Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip