(Sir) Qaar kamid ah magacyada xildhibaanada Cusub oo lahelay
- Visits: 1868
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
- Iyadoo la wada sugaayo in lasoo bandhigo liiska Xildhibaanada ee Baarlamanka cusub ayaa waxaa saxaafaddu heshay liis ay ku qoran yihiin dad la sheegay in loo qaatay xubinimada Baarlamaanka iyo qaar laga tegay. - Iyadoo la wada sugaayo in lasoo bandhigo liiska Xildhibaanada ee
Baarlamanka cusub ayaa waxaa saxaafaddu heshay liis ay ku qoran yihiin
dad la sheegay in loo qaatay xubinimada Baarlamaanka iyo qaar laga
tegay.
Waxaa xusid mudan in liiska hoose ku qoran aysan jirin cid Dowladda
katirsan oo si rasmi ah u xaqiijisay in uu yahay mid sax ah waana mid
ay si hoose u heshay saxaafadda.
Liiska hoose waxaad ku arki doontaan dad isugu jira kuwo la yaqaan iyo
kuwo cusub waxayna qaarkood ku guulaysteen in ay noqdaan Xildhibaanada
Baarlamaanka cusub halka qaar kalena ay ku hungoobeen helitaanka
xubintaasi.
Hoose ka akhri liiska
1-C/weli Maxamed Cali Gaas- (Cumar Maxamuud/Majeerteen)- Waa raysul
wasaaraha xukuumadda hadda dhamaaneysa xilligeeda, wuxuu helay mid ka
mid ah labada xubnood ee beeshiisa ka heshay baarlamaanka cusub. Dr
C/weli dhanka kale waa musharax u taagan tartanka madaxweynaha, ka mid
noqoshihiisa baarlamaankana waxay qeyb ka tahay ololihiisa doorashada
ee gudaha baarlamaanka.
2- C/samad Macalin Maxamuud (Habargidir/Ceyr). Waa wasiirka arimaha
gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda hadda jirta. C/samad waxaa soo
qoray odayga beeshiisa hase yeeshee wuxuu ku soo baxay talabixin ka
timid Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ay xulufo yihiin C/samad.
3- C/qaadir Cabdi Xaashi “Gaabane” (Leelkase). Waa wasiiru dawlihii
qorsheynta ee maamulka Puntland kana mid ahaa ragga sida aadka ugu dhow
madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole. Soo gelida Gaabane ee
baarlamaanka Soomaaliya waxaa gacan ka geystay raysul wasaare C/weli
Gaas oo kaashanaya madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole si uu codka
u siiyo C/weli Gaas.
4- Dr Xuseen Khaliif Xaaji Jamac- (Cumar Maxamuud/Majeerteen), wuxuu ka mid ah
musharixiinta u taagan tartanka madaxtinimada, hadana xubin baarlamaan
ayuu ku guuleystay. Xog ogaalka waxay noo sheegeen in odayaasha
beeshiisa ay u ogolaadeen Dr Xuseen in isaga iyo C/weli Gaas ay u
galaan baarlamaanka cusub.
5- Maxamuud Xayir (Cali Saleebaan): Waa gudoomiyihii rugta ganacsiga
Puntland oo dhowaanahan ku sugnaa Muqdisho kadib markii uu isaga soo
tagay xilkii uu ka hayey maamulka Puntland. Ilo wareed lagu kalsoon
yahay waxay sheegeen in Maxamuud Xayir uu jeebkiisa isticmaalay kadib
markii rag beeshiisa ah ay kula tartameen halka xildhibaan ee beeshiisa
ku leedahay baarlamaanka sidaasna ugu dambeyntii uu ku guuleystay.
6- Maxamed Qanyare Afrax (Murusade/ Hawiye): Qanyare wuxuu haddana
markale ku guuleystay in beeshiisa uu ka helo aqbalaad si uu isaga ugu
soo laabto baarlamaanka sidaana la rajeenayo in uu qeyb kaga noqdo..
7- Cali Ilkadheere “Cali Ameerika” (Leelkase/ Maxamuud Cali): Cali
Ameerika waa qurba joog ku noolaa 30 kii sano ee ugu danbeeyey dalka
Mareykanka waxa uu si bareer ah jeebkiisa u isticmaalay oo uu gatay
Booskii Xildhibaanonimo ee Beelaha Leelkase ee Gobolka Nugaal kadib
markii ay aqliyabad Dadka ay soo xuleen qof kale.
8-Sheekh Cabduqaadir Cali Cumar (Saleemaan H/gidir ) waxaa uu ku
guuleestay in uu kursi ka helo Sadaxda Xubnood ee Beeshiisa lasiiyay
,waana Wasiirkii hore Arimaha Gudaha kana mid ah Xerta Alla Sheekh,
9-Mustaf Dhuxulow (Murusade/ Hawiye): Waxa uu kamid ahaab Xildhibaanada
xilkooda dhamaanayo waa Nin dhalinyaro ah hadana siyaasi ah waxa uuna
ka helay Taageero Beeshiisa sidaana ugu soo baxay in uu kamid noqdo
Xubnaha cusub ee Baarlamaanka.
10-Sheekh Axmed Islaam Madoobe (Ogaadeen/Daarood) waa Hogaamiyaha
Kooxda Raaskanbooni ee kusugan Gobolada Jubooyinka waana Hogaamiye ee
Beeshiisa jeceeshahay sidaana ugu dareen Liiska Baarlamaanka uga midka
noqonaya.
Shakhsiyaad laga saaray liiska.
1- C/raxmaan C/shakuur Warsame (Habargidir/ Ceyr)- Waa xildhibaan hore,
waana musharax ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha. C/raxmaan
C/shakuur wuxuu dadaal ugu jiray inuu xubinimada baarlamaanka helo
kadibna musharaxnimadiisa sii wato si uu ololohiisa uga dhex bilaabo
baarlamaanka cusub laakiin cadaadis hoose oo Sheekh Shariif uu saaray
nabadoon Cabdi Daahir oo ah nabadoonka beesha Ceyr ee hadda xubnaha
beeshaasi xoo xulaya ayaa sababay in C/raxmaan C/shakuur laga saaro
liiska waxaana booskiisa la qaatay haweeney magaceeda aan ka helnay
“Jawaahir”.
2- Yuusuf Maxamed Siyaad “Indhacade” (Habar gidir/Ceyr)- Inkastoo
Indhacade baarlamaankii hore ku jirin haddana midkan cusub wuxuu
iskudayey inuu ka qeybgalo,balse si la mid ah C/raxmaan C/shakuur waa
laga qadiyey. Xubno ku dhow Indhacade waxay sheegeen in uusan weli
quusan oo weli orod ku jiro.
3- C/raxmaan Xoosh Jibriil (Leelkase)- Waa wasiirka dastuurka ee
xukuumadda Soomaaliya oo si weyn loogu xusuudto kaalintii uu ka qaatay
meelmarinta dastuurka cusub. Mudane Xoosh waxaa la sheegayaa inuu
galaaftay C/qaadir Gaabane kadib markii talobixin ka timid Madaxweynaha
Puntland darteed lagu bedelay C/raxmaan Xoosh.
Sidoo kale waxaa la ogaaday in C/raxmaan Xoosh wuu ku qancay markii loo
sheegay in magaciisa laga saaray liiska musharixiinta baarlamaanka,
laakiin warar lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in ballanqaadyo loo
sameeyay ayna dhici karto inuu helo xubinimada baarlamaanka.
4-C/shakuur Mire Aadan (Cali Saleebaan)- Inkastoo C/shakuur waayadan uu
ku sugnaa Muqdisho wada xaajoodyo fara badana la yeeshay odayaasha
beeshiisa haddana uma suurtoobin inuu xilka xildhibaanimo helo. Wuxuu
la loolamay Maxamuud Xayir oo ahaa gudoomiyihii rugta ganacsiga
Puntland oo hadda liiska lagu daray.
5- Cabdi Maalik Yuusuf “Cabdi Suldaan” (Habargidir/Ceyr)- Cabdi Maalik
oo dadka qaar u yaqaanaan Cabdi Suldaan waa mulkiilaha idaacadda
Shabeelle, dadaal dheer oo uu u galay helistaanka kursi baarlamaan kuma
guuleysan. Waxaa la sheegayaa in uu eersaday rag ay isku heyb yihiin oo
booska ka horgalay.
Warar kale ayaa sheegaya in Cabdi Maalik aan laga jecleyn xarumaha
dawlada sababo la xiriira idaacadiisa oo loo arko mid toos u weerarta
dawlada, sidaa darteed madaxda sare ee dawlada ay ka hor joogsadeen soo
gelista baarlamaanka.
Illaa hadda liiska baarlamaanka ee loo gudbiyey guddiga xulista
baarlamaanka waxaydhaafi la’ yihiin 1oo xubnood (inta la aqbalay)
waxaase jira illaaboqol kale oo guddigu dib u celiyeen kadib markii
sida la sheegay shuruudihii laga rabay baarlamaanka cusub aysan soo
buuxin dadka la soo xulay.
Sidoo kale waxaa aad looga walaacsan yahay in odayaasha dhaqanka ee
qabiilada aysan rabin in haween ay u soo xulaan xildhibaanadooda marka
laga reebo tiro oo min hal haween ah keenay halkii laga raabay illa
afar xubnood reer kastaba.
Dhacooyinka.com
(Sir) Qaar kamid ah magacyada xildhibaanada Cusub oo lahelay
- Iyadoo la wada sugaayo in lasoo bandhigo liiska Xildhibaanada ee Baarlamanka cusub ayaa waxaa saxaafaddu heshay liis ay ku qoran yihiin dad la sheegay in loo qaatay xubinimada Baarlamaanka iyo qaar laga tegay.