Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Real Madrid vs Barcelona.

0
Wednesday August 29, 2012 - 17:37:26 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Real Madrid vs Barcelona.

    (laacib.net) Caawa waxaa garoonka Bernabeu ka dhici doonta hadii Eebe idmo kulan xiiso leh oo la wada sugayo, iyadoo lugta labaad ee Spanish Supercopa ay geesaha isgelin doonaan kooxaha xafiiltanka weyn uu ka dhaxeeyo ee Real Madrid iyo Barcelona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(laacib.net) Caawa waxaa garoonka Bernabeu ka dhici doonta hadii Eebe idmo kulan xiiso leh oo la wada sugayo, iyadoo lugta labaad ee Spanish Supercopa ay geesaha isgelin doonaan kooxaha xafiiltanka weyn uu ka dhaxeeyo ee Real Madrid iyo Barcelona.

Lugtii hore oo todobaadkii hore ka dhacday garoonka kooxda Barcelona ee Camp Nou waxaa 3-2 ku badisay kooxda reer Catalans, iyagoo uga mahadcelinaya goolal ay u kala dhaliyeen Pedro, Lionel Messi iyo Xavi halka Real Madrid ay labada gool u dhaliyeen Cristiano Ronaldo iyo Angel di Maria.

Lugta labaad ee Spanish Supercopa ayaa imaaneysa xilli kulamadii ugu danbeeyay ee horyaalka ee labada kooxood ay iyaga laftooda soo saareen natiijooyin lama filaan ah, Barcelona ayaa kulan adag kala kulantay Osasuna inkastoo ay uga badiyeen 2-1, halka Real Madrid ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Getafe.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

REAL MADRID

Casillas
Arbeloa, Pepe, Ramos, Coentrao
Khedira, Alonso
Di Maria, Ozil, Ronaldo
Benzema
BARCELONA

Valdes
Alves, Pique, Mascherano, Alba�
Xavi, Busquets, Iniesta
Pedro, Messi, Sanchez

Real Madrid ayaan laheyn dhaawac ay ka walwalsho kulanka lugta labaad ee ay Barcelona caawa ku wajahayaan Santiago Bernabeu.

Daafaca dhexe Pepe ayaa ka soo kabsaday dhaawac madax ka soo gaaray, waxaana la filayaa inuu booska kala baxo Raul Albiol, halka Fabio Coentrao, Sami Khedira, Jose Callejon iyo Karim Benzema ay dhamaantood doonayaan inay ku soo bilowdaan.

Kubadsameeye Luka Modric oo ugu danbeyn ka soo wareegay Tottenham isniintii, ayaa isna laga yaabaa inuu kursiga keydka soo fariisto iyadoo Real Madrid ay isku dayi doonto inay ka soo kabsato guuldaradii 3-2 ee ka soo gaartay Barca isbuucii hore.

Barcelona ayaa waxaa laga yaabaa inaysan ku soo bilaabin kabtankooda Carles Puyol, inkastoo lagu soo daray kooxda uu magacaabay tababare Vilanova ee ka qeybgaleysa kulankaan, iyadoo kabtanka uu ka soo kabsanayo dhaawac ka soo gaaray daanka oo uu ka qaaday kulankii OSasuna.

Xavi iyo Pedro ayay labadooda u badan tahay in dib loogu soo yeeri doono line-upka kooxda, halka ciyaaryahanka xagaagan kooxda ku soo biiray Alex Song oo uu ahaa isbuuc dhamaadkii bedel aan la isticmaalin, laga yaabo inuu kulankiisii ugu horeeyay ciyaaro.


MA OGTAHAY?
  • Real Madridayaa ku guuldareystay inay badiso seddexdii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waana markii ugu dheereyd ee aysan guul gaarin tan iyo May 2011.
  • Guuldaradii ka soo gaartay Getafe ayaa ka dhigeysa in Los Blancos ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka sidii ugu xumeyd tan iyo 1973dii.
  • Kooxda Madrid ka dhisan ayaa ku guuldareysatay inay garoonkeeda guul kaga gaarto Barcelona todobadii kulan ee u danbeysay ee tartamada oo dhan.
  • Guushii ugu danbeysay ee Madrid ay garoonkooda Bernabeu kaga gaaraan kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona waxa ay aheyd markii ay kulan La Liga ah 4-1 kaga badiyeen May 2008.
  • Barcelonaayaa wajaheysa Real Madrid markii 221aad ee tartan rasmi ah. Labada kooxood waxa ay iska badiyeen min 87 jeer.
  • Hadii kooxda reer Catalans ay badiyaan caawa, waxa ay hogaamin doonaan kulamada fool ka foolka ah markii ugu horeysay muddo 80 sanadood ah.
  • Lionel Messi ayaa dhaliyay shan gool seddexdii kualn ee uu u ciyaaray Barca, taasoo ka dhigeysa markii ugu fiicneyd ee uu xilli ciyaareed ku bilowdo.
  • Ciyaaryahanka reer Argentine ayaa ah ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee seddexleey ka dhaliya Clasico, taasoo uu dhaliyay markii ay labada kooxood ku kala baxeen 3-3 kulan ka dhacay Camp Nou Maarso 2007dii.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip