Kolkaas,
jawaab-celinnadii bulsho ee dhacdo waxa u shacbiyad ballaadhnaa kii
marxabbayneed ee rayrayn iyo riyaaq oo ka soo doogtey farxad filanwaa’
ahayd oo hal mar uun miyi ilaa magaalo, dibad ilaa gudo, lala oogsamey
bulxan, muuso, tahniyad iyo bishaaro isula horrasho iyo bil-dhayr isku
qaabbilid xalladaysan oo isugu biyo shubtay filasho naallood shacbi,
u hanbalyayn iyo bogaadin la doorte, u-ducayn doorte iyo u xamdi-naq
Eebbe oo ummadeed.
War daleelo
ma hurdee, doocu si xawli badan oo xamaasadaysan ayuu maqshir iyo maqrib
ka duulay oo sidii seer-ma-weydo galgaal baxay, inta udub-Soomaaliyeed
jiro iyo inta uun Soomaaliyeed hoydoba ka hillaacay; waxa uu marba marka
danbaysa, sidii galangal fiid-caarre, soo yalgay alalaas, bullasho iyo
falax-gooddi ka soo yeelan ifa-faale yididiilo ugan, beer-qabowsi uraad
hibaaq leh iyo boogo-dhasho taabsin ah (geel af dhowaa) ….
Niyaayiroodka Eebbow ha nuqsaamin… waa dhaci kartaa in nabsigii
diinka laga sugaali jirey uu darmaan ku soo qool-jeexo… habar iyo
habeenkeed… hiiliyow ha hallayn… tiro-weynta bulsho ee dabbaaldegga
ku ciiddey, arrinta waxa ay u badhax tirtay toddob sagal ku xamray,
saaciido sidkeed go’ay iyo saxal geeddi u lallabay.
Haddaba,
gees-farxadeedka “maashaa-Allaahuda iyo mashxaradda ee majo-dareero”
waxa kale oo u-qaadan-waayidda dhacdo ku weheliyey, balse walow ay laxiib
iyo nudayba bahda damaashaadsan la mac ahaayeen; haddana arrinta isu
tusay mid culus oo shiilid, shaqshaqid iyo shaandhayn dheeri ah mudan.
Kooxdan waayyo?... waayyo? ayaa hugunkooda su’aaleed xuddun u ah…
“Illeyn, dad dib looma abuurin oo qofba waa kiisii uun-e sidee doorashada
Jawaari ku malowdey?... (Ma annagaa waalan mise cadan baa laga heesayaa?)…
Ma riyaa, ma runbaa, Sidee baa loo doortaa Prof Jawaari oo an weli la
oran “haruub sii jeeda ayuu soo jeediyey, halaako uu dhigay iyo
hagardaamo uu maleegayna an la sheegin?”; iyada oo ay weliba
hoganayaan iyo heegan yihiin danleydii bah gaadtama iyo haaligaba ee
mar hore waddani iyo wax-ku-oolkii ummadeed ka bannaystay, kana fogeeyey
ka amargoynta arrimaha daleed iyo dadeed (Qaran)…. Haddii taniba
dhacday, wax baa mustaxiil ah ha is oran ee sacabna timo ka sug!!….
Mase ka
tahay arrintu dhab Barlammaanka?… waa dhaci kartaa, balse maya, maya,
maya!!!… Aniga qof ahaantay mayyyya… xaaladdu iila eg “dhacdadii
iima aha” ee dhex martay “rag xayn ah oo ku hoydey bakhayl go’an
reerkiis”; kaddibna markuu yimid oo ku bariidiey ardaagii ay ku dab
shidteen; midkood aad u yaqiin inta gartay, raggii la socdey ku yiri:
war kan anigaa aqaan oo gacmo looma uumin ee inaga gudiya… oo la yiri;
war sowkaas “wanka gawracay”… oo uu yiri “iima aha”…
war sowkaa hilibkii xeedho ku soo sida… oo uu yiri “iima aha”..
oo la yiri: “war sowkaa nagu soo dhow”… oo yiri (iima
aha)… ka dibna sidii uu ninkii yaqiin sheegay, wuxu soo
socdoba inta meel guriga iyo martida u dhexaysa xeedhadii la istaagey
oo reerkiisii dib ugu jeensadey kor ugu dhawaaqay: “Naa cutiyaaay…
wanka an qalnay sow dirkii dir Saalimo ma uu ahayn?”… oo Cutiyina
u jawaab-naqday: “gaw oo sidee baanu u ahayn… haa dee waa uu
yahay”… oo inta halkii dib uga noqday yiri (dirkaas beri
fog baan ka xilo-furay in an cadkooda iyo cayntooda cid siiyo)…
Waa yaab, ma maantaa nin aqoon, Soomaalinnimo, xalaalmiiradnimo, xilkasnimo
iyo denbi-ka-hufnaan lagu hubo loo doortay mansabka hoggaaminta golaha
sharci-dejinta Qaran….
Wallee
wax waa jiraan ee waa maxay waxa jiraa?; maxaa Barlammaanka ku siyaado
ah… maxaa ku soo kordhay… maxaa iska beddeley?… beeyaalow kalkaan,
maxaa ugu wacan illeyn, “Barlammaan Soomaaliyeed weligiisba Jawaari
iyo shakhsi la nooc ah toonna dalagtaa uma dooran jirin —e”… maansha
la yiri (wax anad filanayn iyo fallaadhiba waa kaa fajaciyaan)…
waa dhacdo lama filshaan oo la sansanyo ah “tii kureygii yaraa oo
(sow goor anu caano hoo u baran) walaalkiis kor uga weyni toosiyey
oo u dhiibey haruub caano ah oo yiri dhan walaal!!! Oo kolkaas asaga
oo u qaadan la’ dhab ahaanta caanaha uu gacmaha ku haysto oo walaalkiisii
xilligaas inta siiyey, lana fajacsan xaqiiqda uu arko, yiri “Tolow
walaalkay haddaa caano ima siin jirin
—e, ma doorshaan baa uga dhacay “… Allaa I lehe, mashxaradda degdeg baa igula jira… kolba anigu
qof baan ahay oo ilaa an ilmo-rogadka hubsado labo calaacalood oo an
leeyahay ‘sacab isugu dhifan maayo’…. Ma anaa ka liidta, faraskii
lagu yiri “Sengow, booddoda iyo orodka isla sug”, maxaa iga
xiga, in an sidiisii yeelo oo marka “cawli isu booddo oo libaax
qar u baxo” aan anna “hal mar farxadda iyo xafladaynta isku
jumlaysto”.…
Immisaan
waa-beryaba u soo taagnaa tabotabaha shiiga iyo gaadmooyinka casriyaysan
ee qori-is-marisyadu ay ku hullashada, buste qoyan saaridda iyo u suldhuqadtaynta
u falkiyaan … Adeer ka ridteyaalkii farsamooyinka badnaa ma dhiman
mana dheera ee waa u jiifaan… ma shardi baa xidha, ma sharci baa dabbaala?...
sow sidoodii berriba ninkii ay gartaan foocin maayaan!! (nin kii
xoog leh baa xaajo u dhacdaa)… Adeer aniga iima aha, wax dammaanad
ahna ma arko… inta damac iyo damaaci yihiin halaq iyo durrintiis…
Ha ku yeeshoon adeer (wadaad qiil uu ku bannaysto iyo qandi uu ku
qaadtoba isagaa leh-e)…. Ilaahii Prof Jawaari noogu dhiibeyow
nooga dhig “Guuleed, Samatar, Saacid iyo halyey loo wada aayo’,
kursiga noogu raaji, noogu hay, noogu ilaali oo garab iyo gaashaanba
u noqo….
Dhanka
kale, haddii ad la yiraahdo sidee saabku biyo u celiyey ma aha su’aal
jawaabteed hasha ila-lis tahay, balse “faal waa mooro, felegna
waa muuq-e” aniga mir,iyo maydhacay; fiiro iyo filaanshohay, waxa
ay ila tahay, afar arrinoodba waa suurto gal: waa mar-e;
tan daacadnimo ugu dhow waxa ay ahaan kartaa “in odayaalkii dhaqanku
(Issimadii ama Duubabkii) mooggan magacaabeen xubno intooda badan waddaniyadi
ku sii dabo leedahay, lexejeclo dal iyo dad ku qoyan tahay ama iimaan
ku sii nool yahay; ninkii taasu ka hor caddahay “Tobanka Sebtembar
2012” la sug.. Mid labaad, waxa suurto-gal ah, in qaab-xisbi-dhaqaneedka (4.5 beeloodka) uun la
ilaalin hayey; Macallin Jawaari-na nasiib-wanaag noqday tartamehii keli
ahaa ee beel ahaan xilka isu soo taagey; taasoo nuxur ahaan u biyo dhacaysa
in codka la siiyey (4.5-ka) ee an la siin Prof. M. Cusman Jawaari…“haddii
asbaabtu taas noqodto farxaddu waa hal bacaad lagu lisay”…. Tan saddexaad waxa ay ku iman kartaa “in Goluhu gole-ahaantiisa
uun u door biday in uu markan xulsho shakhsi dadwad iyo daacadnimo leh
oo uu kaga soo kabsado harreefihii iyo dhibaalkii uu muddoba deris-wadaagga
la soo ahaa… Yacni: in danta Gole uun loo doortay Jawaari ee aan loo
dooran dan Qaran/Ummadeed” (asbaabtu markii ay taas noqodto Soomaali
wax baa u daban, waase haddii ay Prof Jawaari u garbo yeelsho)… Tan afraad waxa dhaci karta ayna u egkoon tahay, “in maalintaas
fadhiga goluhu ahaa mid ay (nasiib-wanaag) ku tiro-badnaayeen xubno
goleedkii mukhlis, gaar ahaanna wejiyadii cusbaa ee an weli la baran,
la fahmin ama u laylyamin xeegaamaha silloon ee loo daad-raaco, loo
dheeho, loona daran-doorriyo hab-dhaqan-raggannimeedka cusub ee lagu
halyeyoobo muddo-wakhtiyeedka Burbur.
Sida an
anigu hilaad qabo waa sidaas an soo iri-e, waq anay arrini ahaan…
waxse an ku kalsooni badnahay, in marka la tago, madalka doorasho-Madaxweyne,
uu xag waxqabadsho, xag xil-gudasho, go’aan-qaadasho iyo
guud ahaanba xag cod-bixineedba GOLUHU ka baaqsan doono sii xoojinta
taqada weyn iyo u-hanweynaanta sare ee shacbigu ku mihiib-siiyey soo
saariddii Jawaari. Taas waxa an uga welwel qabaa in goluhu u nuglaan
doono ku guryo noqodka diqdii qaniinka iyo takarta badnayd ee uu taariikh
ahaan hore u qabadtimay (Awrba awrka ka horreeya saanqaadkiis leh).
Dharricidaasi haddii ay haleesho, hubaal waxa uu dhaxli doonaa hoos-u-dhac,
qiimo beel iyo raqiisnimo canbaaraysnaan iyo bartilmaameed u noqosho
magac-xumo iyo aammano-darro joogtowda oo qof-qof ahaan iyo wadar ahaanba
ka faquuqda mujtaca; waxii noolna lagu dayriyo afarsano ka dib (waxii
Jawaari iyo garbihiisa lagu caymiyaa waa meesheeda)…
aragtidaas waxa loo maragsan karaa hummaagyo laga biniixsan karo dhawr
xaaladdood oo maalintii doorasho jirey iyo arrimo iska-dhex-muujiyey
codayntii wareeggii kowaad ee u-tartankii kursiga afhayeennimo…
Halkaas,
waxa hoos-ka-xarriiqid mudan, isugeyn ahaan codadka lagu qawlay dhammaadkii
tirinta waa 119 Prof Jawari; 77 Prof Galayr, 20 Prof; 5 Col X. Abshir
= 221; sidaasna waxa meesha ka maqnaa 51 kursi oo sida muuqadta lagu
soocamiyey rag u badan kooxdii 22ka sano waddanku u afduubnaa oo Guddiga
Biyo-Tuujintu, si ragannimo leh ugu dhiirraday in uu ku cilleeyo ku
gaboodfalliddoodii bulsho awgeed in aysan mujtamaca ku dhex lahayn taqo
ama xushmo ay wakiillo ku noqdaan….
Sidoo
kale, haddii loo nisbeeyo 119 + 25 cod in ay waddaninimo ku doorteen
Jawaari; wadartood waa 144 cod; kaasoo ay ka hooseeya heer isku fillaansho
oo uu guul muquunsi ah ku hanan karo; amaba ay yar yihiin fursadaha
uu ku diriqsan karo libin ciriir ah, si uu u soo saaro Madaxweyne Jawaari
labaad ah… waayo?.... Maaddaama, uu loollan kasta ku wajihi doono
kooxda mararreecinta oo ahaan karta 77 + 51 = 128 cod oo gaashaaman…
kuna tiirran cududsi awoodo dhinacyo badan iyo liilli ciddiyo ku dagaallan
ah oo ka geyoodkeed iyo guulaysigeed aad u dhib badan yahay, aadna male-awaalid
taban yahay
Haddaba,
ugu danbayntii oonse kama danbaystii ahayn, Golaha Barlammaanka Qaran,
waxa shacbiga ay codkooda canbaarsan yihiin ka sugayaa is caddayn ah
labadaas buug ee cisiga iyo ceebta mid isku qorid… Yacni: haddii uu
Goluhu waddaniyad ku doortay Prof Jawaari… 10/09/2012 waxa laga sugayaa
Madaxweyne leh sifooyinka Jawaari iyo weliba wefo firfircooniyeed…
Waxa laga sugayaa in uu codka ku taageero Madaxweynihii bulshadu codka
siin lahayd… Madaxweynihii dib-u-abuurista qarannimo…. Madaxweynihii
soo dabbaalidda nabadda, nidaamka iyo sharci-ku-dhaqmidda… Madaxweynihii
Tubta-toosan-ku-aaddinta aayo-masiireedka mustaqbal ee qarannimo iyo
qowmiyadeed; Madaxweynihii heshiisiinta, dhaahinta, walaalaynta iyo
cadaawad-suulinta…. Madaxweynihii ka soo kaabashada tabaalooyinka
Burbur…. Madaxweynihii dib u bakhti-afuufidda Soomaalinnimada iyo
midnimada… Madaxweynihii Nabadda, Caddaaladda iyo horumarka.
Gaadiidka awrka hayinka ah goror ma daadshaanka
Gacaleeye, caaddila, gadhwade, geesi xog ogaal ah
Galoo kala
gur-gura oo raggii Gaandi uga yeera!!
Maxamuud Musse Cali Caarre
Tel. 00252 90 702583 (mobile)
LOOGE LAGUU MINAN FADHIYEE: (Doorta Jawaari Kale)
Sidii, dabayaaqadii Bishii Agoosto 2012, loo xaqiijiyey Guddoomiye Barlammaan u doorashadii Professor Maxamed Cisman Jawari; miidaanka Soomaaliyeed waxa hadheeyey riyaaq iyo rayrayn; su’aalo iyo is-toyasho iyo dood iyo falan-qayn ku saabsan dh