Mudanayaasha 99-ka ah ee keenay mooshinka ka dhanka ah M/weynaha ee ku aadan inuu gudan waayay waajibaadkiishii shaqo loona baahanyahay inuu Kursiga ka dago, ayaa u arka hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha Baarlamanka go’aan jilacsan oo aanan sharciga waafaqsaneen.
Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil, oo kamid ah mudanayaashaas ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay guddoonka Baarlamanka uu yahay mid aad iyo aad u qaldan islamarkaasina jilicsan.
"Go’aanka kasoo baxay guddoonka Baarlamanka aad iyo aad ayuu u qaldanyahay marka dhinacyo badan laga eego, marka ugu horeyso guddoonka waa garsoore sida marka la ciyaarayo kubadda cagta jawaabta uu soo bixiyay taas meesha waa ka saartay oo hada dhinac buu noqday” ayuu Xoosh Jibriil.
Si lamid ah taasi waxaa go’aanka gudoonka iyaguna kasoo horjeestay Mudanayaasha taageersan Madaxweynaha, waxayna sheegeen in ka sokoow waan waanta uu soo jeediyay gudoonka Baarlamanka oo aysan diidaneen hadana inaan la marin dhabbihii saxda ahaa xaga sharciga, sidaasi waxaa qaba Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah isna mudanayaasha diiday mooshinka 120-ka ku dhow dhow.
"Waxaan u arkayaa ineey tahay talo waayeel balse ay ka fiicnaan lahayd iyadoo sharciyeeysan oo uu cuskanaya qodobo oo uu markaa labadaasi mooshin ee hada taagan” ayuu yiri Dalxa.
Hadaba Suluuga ay ka qabaan mudanayaasha Baarlamanka go’aan qoraaleedka gudoomiyaha uu usoo jeediyay ee ah, in golayaasha sharci dajinta iyo fulinta ay xal ka gaaraan mooshinada iska soo horjeeda, maxaa keenay xiligaan, waqti dhowr todobaad laga dhur sugayay guddoomiyaha Baarlamanka inuu xal la yimaado?
Dr Axmed Cali Qeyre, oo cilmi baare xagga Qawaaniinta ah kuna sugan magaalada London, ayaa VOA-da wareysi uu siiyay ku turxaan bixiyay arrintaas.
Inta badan Xildhibaanada keenay mooshinka ka dhanka ah M/weynaha, ayaa xalka waxay u arkaan in sharciga uu yahay Biyo dhacooda laguna kala baxo, waxaana kamid ah waxyaabaha ay ka dhawaajinayaan Xildhibaanadaas Maxkamada Dastuuriga oo loo gudbiyo Mooshinka..jiritaan la’aanta waqtigaan Maxkamadaasi oo aanan dhisneyn booskeeda ay buuxin karto Maxkamada sare.
Hadaba sharciyan muxuu yahay waxa laga filan karo Maxkamada sare oo loo gudbiyo arinkan?
Waxaa ka jawaabaya Dr Axmed Cali Qeyre:
Dhinaca ku doodaya in xalka laga abaaro xaga sharciga waa mudanayaasha keenay mooshinkee, mar hadii gudoonka uu soo saaray qoraal nuxurkiisu uu yahay in wada hadal lagu dhameeyo arinkan, maxaa la gudboon oo ay sameeynayaan tallaabadooda kale?
Mudanayaasha ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegeen in laga dareemayo buuqa siyaasadeed ee jira ee xaga is qab qabsiga xildhibaanada, dhinacyada kala ah guud ahaanba xafiisyada Doowlada iyo Hoteelada Magaalada Muqdisho.
Dhawaqi Jawaari oo gilgilay gudaha Baarlamaanka (Warbixin)
Dhinacyada Baarlamanka ee ku kala aragtida duwan mooshinka ka dhanka ah M/weynaha kuwa keenay iyo kuwa kasoo horjeestay, ayaa dhamaantoodba waxay u arkaan go'aan qoraaleedka gudoomiyaha Baarlamanka inuu yahay mid aysan ku qanacsaneen.