Ahlusunah G/Dhexe iyo Galmudug oo heshiis wada saxiixday

0
Saturday September 08, 2012 - 12:09:41 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlusunah G/Dhexe iyo Galmudug oo heshiis wada saxiixday

    Wafdi uu hogaaminayo Xog hayaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Maanta waxaa ay gaareen Degmada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud iyagoo halkaasi kulan kula qaatay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Culimaa.udiinka Ahlu suna Ee G/Galgaduud .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Xog hayaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Maanta waxaa ay gaareen Degmada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud iyagoo halkaasi kulan kula qaatay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Culimaa.udiinka Ahlu suna Ee G/Galgaduud .
Kulanka ayaa waxa wada qaatay Masuuliyiintii ka socotay M/mulka Galmudug iyo Masuuliyiinta ka tirsan Ahlu suna oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Sheikh Maxammed Yuusuf Xeefow waxaana ay ka wada hadleen Qorshe Mudooyinkaan dambe Socday oo ahaa in la mideeyo Maamulada Ahlu suna iyo Galmudug .

Labada dhinac ayaa waxaa ay Qalinka kuwada Duugeen Heshiis ah in labada Maamul la mideyo oo Maamul Goboleed ay ku mideysan yihiin ay sameestaan sidoo kalena uu soo gaaro Maamulkaasi Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe .

Kulankoodu markii uu soo dhamaaday ayay si wada jir ah ula hadleen Saxaafada ugu horeyn ayaa waxaa hadlay Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefow waxaana uu sheegay in UU SOO DHAWEYNAYO Wafdiga maanta soo gaaray Guriceel isla markaana ay ka wada hadleen sidii Maamul midaysan ay uyeelan lahaayeen ayna isku afgarteen sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Daahir yaasin warsame oo ah xog hayaha Baarlamaanka Galmudug Maantana hugaaminayay Wafdiga Galmudug waxaana uu sheegay in dhamaan waxyaabihii ay kawada hadleen ay isku afgarteen ayna dhawaan ku dhawaaqi doonaan Mamulka Goboleed Ka arimi doona ilaa 4 Gobol oo kala ah Mudug Gal gaduud hiiraan iyo Sh/Dhexe

Sikastaba ha ahaatee Mamulka Galmudug ayaa mudooyinkii dambe waxaa uu ku howlanaa sidii loo balaarin lahaa Maamulka Galmudug isla markaana loo gaarsii lahaa Gobolo uusan hada ka ariminin in kastoo uu ka soo horjeestay Durbaba Maamulak Ximan iyo Xeeb oo ka arimiya Qayb ka mid ah Gobolka Gal gaduud ,
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip