Shariif Xasan: "Wax badan taako waa udhigay Madax Shariif ".

0
Sunday September 09, 2012 - 20:52:12 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Xasan: "Wax badan taako waa udhigay Madax Shariif ".

    Gudoomiyihi hore baarlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta kaqeybgalay munaasabad lagu taageerayay musharaxnimada madaxweyne ee madaxweyne Sheekh Shariif ayoo qudbad xasaasi ah oo dadka ka qoslisay kajeediyay madashaaasi oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyihi hore baarlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta kaqeybgalay munaasabad lagu taageerayay musharaxnimada madaxweyne ee madaxweyne Sheekh Shariif ayoo qudbad xasaasi ah oo dadka ka qoslisay kajeediyay madashaaasi oo ay soo buux dhaafiyeen siyaasiyiin iyo wax garad kale oo katirsan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomalaiyeed.
Gudoomiye Shariif xasan ayaa qudbadisia kufur furtay tuhuno ay dadka soomaalida isla dhax marayeen oo la xiriira halka ay kuheshiiyeen labada shariif bacdama la ogaa dagalaki xooganaa ee udhaxeeyay .

"Runti madaxweyne Shariif waxanu nahay saaxibo isku dhaw marar badana taako isu dhigay laakin waxbaa isu reebnaa oo isma wada tir tirno", ayuu yiri gudoomiyihi hore ee baarlamaanka Soomalaiya oo dhanka kale tilmaamay in labadaba ay yihiin saaxibo mar walba jecel iney wax hagaajiyaan hadana ay u midoobayaan sidi markale uu madaxweyne ugu soo bixi lahaa madaxweyne Shariif.

"Waxa taageersanahay in madaxweyne Shariif markale uu kusoo baxo talada dalka Soomaaliya walow uu isaga iga taakeeyay inaa jagadaas kula tartamo bacdama aan halka maanta aan joogno kal hore xaflad kuqabsaday oo aan kumuujinayo musharaxnimadeeda madaxweyne hasa yeeshe waxa iga taakeeyay madaxweyne Shariif", ayuu yiri isagoo dhoola cadeenayo.

"Waxa leeyahay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed fursad markale hasiiyaan madaxweyne Sharif si uu udhameestiro howlaha qabyada u ah oo runti ah mid kadhan dacaayad iyo buun buunin", ayuu yiri Sharif Xasan Sheekh Aadan gudoomiyihi hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Qudbada Shariif Xasan ayaa waxey gunaanad utahay qilaafki in mudo ah soo taagnaa ee udhaxeeyay madaxweyne Shariif iyo gudoomiye Shariif Xasan iyadoo sidoo kale sacab iyo mashxarad lagu soo dhaweeyay qudbada Shariif Xasan kajeediyay kulanki maanta ee taageerada loogu fidinayay Musharaxnimada madaxweyne Shariif.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip