M.GHEDI: "Xushmeynta xildhibaanadii hore, daryeelka ciidamada naafada iyo ka fiirsashada arrimaha Kismaayo waxay xal u noqon karaan xaaladda wadanka"
- Visits: 1158
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Xildhibaanadii hore waxay dalka iyo dadkaba usoo shaqeeyeen xilli aad u adkaay, iyagoo ay naftoodii ku waayeen xilligaas dhowr iyo tobanneeyo Xildhibaan, sidoo kale dhowr iyo toban kalana ay ka soo gaareen dhaawacyo cul-culus, intaas waxaa usii dheeraay daryeen la'aan sida mushaar iyo gunno la'aan iyo hanjabaad joogto aheyd oo kaga imaaneysey kuwii dowlad-diidka ahaay.
Waxaannu xubin ka ahaan jiray
baarlamaankii horey ee dowladdii FKMG aheyd, waxaana u soo joogey aniga
oo aanan wax mushaar iyo gunno toona aanan qaadan muddo sagaal (9)
billood ah January 12, 2012 ilaa September 6th,2012.
Muddadaas
9-ka billood aheyd, ammaan-darro awgeed waxaan deganey Hoteel ku yiil
agagaarka gurigii Shaqaalaha ee wadada Maka al mukarama ee caasimada
Soomaaliya ee Muqdisho, hoteelkii wuxuu igu yeeshey lacag dhan $
13,600.00 dollar Mareykan ah.
Waxaa iigu darneyd, aniga oo
aanan filey ayuu maamulkii hoteelku ii soo garaacey albaabkii qolkii aan
ka deganey hotelka, wuxuunna igu wargeliyay in aan lacagta oo dhan ku
bixiyo muddo sedex (3) berri gudohood ah, haddii annnu ku bixin waayo
muddaddaas, wixii xumaan ah oo yimaado in aan anigu mas'uul ka noqon
doono, intaas ka dib, waxaan si deg deg ah ula xariirey shir guddoonkii
baarlamaankii FKMG ahay , wuxuuna shir guddoonkii xilligaas si jilicsan
iigu jawaabay " xildhibaan lacag lama haayo ee is-debar".
Nasiib
wanaag, muddaddii la ii qabtay gudohood, waxaa lacagtii uu hotelku igu
lahaay iga dhiibay xubno ka mid ah qoyskeyga, ha yeeshee waxaan ogaadey
inay jireen boqolaal xildhibaan oo kale oo lagu lahay deynman fara
badan, misana aanan iska bixin kareyn, xaaladii ay xilligaas ku
sugnaayeen xildhibaanaddii waxaan ka qorey maqaal uu ciwaankiisu ahey "
xildhibaanada kuwooda ka bad-baada xabadda waxaysan ka bad-baadi doonin
xabsi".
Balse nasiib-wanaag, waxaa meeshii ka baxay shir
guddoonkii hore ee baarlamaankii KMG ahaay, waxaana yimid shir guddoon
cusub oo aanan ku meel gaar aheyn, oo uu hoggaaminaayo Professor Mohamed
Osman Jawaari, asagoo shir uu dhowaan la yeeshey qaar ka mid
xildhibaanaddii hore u ballan qaaday, wixii hadda ka danbeeya inay
xildhibaanaddi hore heli doonaan xaquuq joogto ah iyo xushmad joogto ah
sida uu qabo xeerka caalamiga ah ee looga dhaqmo adduunka oo dhan, taas
oo noqoneysa waacusub oo u beryey xildhibaanaddii hore, kuwa cusub iyo
kuwa mastaq-balka soo socda.
Dhinaca kale, si looga kaaftoomo
ciidamo shisheeye, loona jeclaado ka mid noqoshada ciidamada qaranka
Soomaliyeed, gaar ahaan ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed oo magac weyn
ku lahaan jirey adduun weynaha, gaar ahaan qaarada Afrika, looguna
yeeri jiray magacyo ay ka mid ahaayeen geesiyaalka birta ah,
geesiyaalka Afrika, Libaax-yada Afrika, sooma jeestayaal iwm, ayaa waxaa
nasiib-darro, in muddo 22-sano ah aanan la daryeelin naafaddii soo
hooyay magaca diiwaanka adduunka u galay ciidanka xogga dalka
Soomaaliyeed, gaar ahaan naafaddii ka qeyb gashey dagaaladdii 1964-kii,
1977kii iyo kuwii qaranimo daafac u naafoobey 22-tankan sano oo aheyd
is-ku dhex yaac.
Dowladda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliyeed,
waxaan ugu baaqayaa inay si degdeg ah u sameyso qorsho lagu sugaayo
ammaanka Wariyaasha ka hawlgala gudaha Soomaliya, gaar ahaan caasimada
Somaliya ee Muqdisho oo si ba'an loo ugaar-sanaaney dhowrkii sano ee la
soo dhaafay.
Ugu danbeyntii, waxaan halkaan hambalyo uga
diraayaa, dadka wada dega jubooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo oo
dhowaan laga xorreeyey kuwii talada xumaay, mahadcelin waxaa iska leh
Ilahay, amaanna waxaa leh ciidamada Xaogga dalka Somaaliyeed iyo
ciidamada Amisom oo iska kaashaday xorreynta goballaddaas.
Waxaan
ugu baaqayaa dadka wada dega jubooyinka, inay sameystaan maamul ay
isaga wada raali yihiin, iyaga oo kala tashanaaya Dowlada Jamhuuriyada
Federaalka Soomaaliyeed, waxaanna uga digaayaa inaysan beel ka mid ah
beelaha dega jubooyinka ku kedsoomin "Biriq aanan biyo noqon doonin",
sidoo kale waxaan uga digaayaa dowladaha deriska la ah Soomaaliya inay
soo farageliyaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, maadaama ay Soomaliya
ay ka baxday ku meel gaar oo ay noqotay dowlad rasmi ah.
Qore: Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Ex-Xildhibaan.
xilqaad12@hotmail.com
M.GHEDI: "Xushmeynta xildhibaanadii hore, daryeelka ciidamada naafada iyo ka fiirsashada arrimaha Kismaayo waxay xal u noqon karaan xaaladda wadanka"
Xildhibaanadii hore waxay dalka iyo dadkaba usoo shaqeeyeen xilli aad u adkaay, iyagoo ay naftoodii ku waayeen xilligaas dhowr iyo tobanneeyo Xildhibaan, sidoo kale dhowr iyo toban kalana ay ka soo gaareen dhaawacyo cul-culus, intaas waxaa usii dh