Qodobka xeer hoosaad Baarlamaanka oo Xildhibaanadu ku laaleen kulankii kan ka horeeyay ayaa ku
saabsanaa in Madaxweynaha uusan kala diri karin Golaha Baarlamaanka, kaasi oo
cod aqlabiyad leh ay ku ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka.
Xoghayaha Golaha Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in kulanka
maanta uu yeelanayo Golaha Baarlamaanka uu daba joogo kulankii kan ka horeeyay, wuxuuna
tilmaamay in kulankaasi ay dib ugu eegayaan qodobo ay horay u laaleen.
Ma sheegin Xoghayaha Baarlamaanka in qodobkaas dib looga laabanayo iyo in kale,
hase yeeshee waxa uu carabaabay in guud ahaan kulanka maanta looga hadlayo xeer
hoosaadka Baarlamaanka, iyadoo warar kale oo soo baxaya ay sheegayaan in laga
cabsi Xildhibaanada Baarlamaanka inay ku laalaan qodobo kale oo iyaga ka hor
imaanaya.
Baarlamaanka Somaaliya oo maanta dib u eegis ku sameynaya xeer hoosaadka
Xarunta Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya kulan ay isugu imaanayaan Xildhibaanada, waxaana kulankaasi oo uu shir guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari la sheegay in looga hadlayo ajandeyaa