Garoonka Banaadir Stadium ee Magaalda Muqdisho oo Dayactir Lagu Sameynaayo

0
Sunday July 27, 2008 - 20:42:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoonka Banaadir Stadium ee Magaalda Muqdisho oo Dayactir Lagu Sameynaayo

    Garoonka Da’aada Weyn ee Stadium Konis ama Banaadir Stadium ayaa Maanta lagu Qabtay Xaflad Dhagax Dhig ah taas oo lagu wajahayo Howlo Dayactir wax looga qabanaayo Bilicda Garoonka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoonka Da’aada Weyn ee Stadium Konis ama Banaadir Stadium ayaa Maanta lagu Qabtay Xaflad Dhagax Dhig ah taas oo lagu wajahayo Howlo Dayactir wax looga qabanaayo Bilicda Garoonka.


Munaasidabaan Dhagax Dhiga oo si aad ah loo soo Agaasimay ayaa waxa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka kala yimid qeybaha Bulshada Soomaaliyeed sida DFKMG, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Rag Magac ku leh Bulshada Isboortiga Soomaaliyeed.

Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Axmed C/Salaan Aadan Munaasabadan maanta Qudbad Xamaasadeesan kasoo jeediyay ayaa usheegay ka qeyb galayaasha in ay arinkani ay utahay farxad weyn isla markaana ay tahay dhanka kale bilaaw aad qiimo ugu leh dhamaan bahda Isboortiga Soomaaliyeed ka dowlad ahaana waxa balan qaadeenaa dhiira galinta Isboortiga Soomaaliyeed in aan kaalin weyn ka cayaarno ayuu hadalka Sii Raaciyay Wasiirka .

Sidoo kale Dhamaan Bahda Isboorita Soomaaliyeed ayaa si siman usoo dhaweysay Dhagax dhiga maanta lau sameeyo Stadium Banaadir oo runtii ay ku tilmaameen Talaab xaga horumarka loo qaaday in ay tahay waayo waxa ay ku cel celiyeen in Dhawaanahaanba Kooxaha Soomaalida iyo Qaranka Soomaaliyeedba ay tababarada ay ku qaadanayeen wadamada Deriska taasna ay ayaan Daro tahay .

Inkastoo Xafladi Dhagax dhiga ee maanta aheyd Bilaaw Farxad leh ayaa hadana waxa jiro niyad jab weyn oo heesta Bahda Isboorita taa oo ugu wacan Qilaafka aadka u hareeyay Mas’uuliyiinta Xiiirada Isboortiga Soomaaliyeed .

Iyadoo iminkana ay jiraan qilaafyo udhaxeeyo raga madaxda iyo kooxaha intaba taas oo marba nin sheegto in uu yahay Gudoomiyaha Xaqa ah ee Xiriirka Soomaaliyeed taas oo hakad dheer gelisay Horyaalkii Soomaaliya ee Kooxaha Sare A,B,C intaba.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip