Qatinka Siyarada Sh: C/raxman & Sh: Muxumed (Dawo Sawiro).

0
Thursday November 29, 2012 - 01:43:00 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 5522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatinka Siyarada Sh: C/raxman & Sh: Muxumed (Dawo Sawiro).

    Masjidka Sheekh Cabdiraxman Seylici ee kuyaalo Xaafada Seylici Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu soo qatimay qur’aan akhris socday mudo shan maalin ah oo kusaabsanaa siyaarada masha’iqda is dhashay ee Sheekh Cabdiraxman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masjidka Sheekh Cabdiraxman Seylici ee kuyaalo Xaafada Seylici Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu soo qatimay qur’aan akhris socday mudo shan maalin ah oo kusaabsanaa siyaarada masha’iqda is dhashay ee Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh Cabdiraxman.
Siyaaaraadka Sheekha Waliga ah Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekha uu dhalay ee Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman ayaa lagu soo gaba gabeeyay xarunta sheekha ee magaalada Muqdisho.

Qur’aan Akhris ka koobnaa qadoomiyinka 114-ta Qur’aaka Karimka iyo Subacyo socday mudo shan Maalin ah eena kasoo qeybgaleen dhamaan culuma’udiinka Ahlusunah Waljamaac ayaa lagu soo gunaanaday siyaarada Masha’iqda iyadoo maalinti udambeesay lagu so qatimay xilqooyin dikri ah.

Jameecooyinka Reer Sheekh Aweys Dheere iyo Reer Sheekh Axmed Gabale ayaa siweyn usoo camiray xilqada dikriga Uweysiyada iyadoo halkaana lagu soo bandhigay Salawaat iyo Tawasulaad aad umacaan badnaa.

Dhanka Dikriga Seyliciyada ayaa waxa hogaaminayay qaa’idka dikriga Seyliciyada Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Sheekh C/raxman iyo qaar kamid ah talaamiidiisa.

Sidoo kale waxa halkaa lagu so bandhigay taariikhda Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman oo halkaa ka aqriyay Sheekh Da’ud Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman.

Sheekh Da’ud ayaa si aad ah uga sheekeeyay taariikh nololeedka Masha’iqda gaar ahaan bar baaridoodi iyo waliba halganki ee kaqaateen fidinta diinta islaamka isagoo sidoo kale sheegay masha’iqda ee kasoo aflaxeen iyo kuwa iyaga wax kasii bartay.

Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in masha’iqda ee halgan dheer usoo galeen sida barashada diinta islaamka ugu faafin lahaayeen dhamaan gobolada dalka iyagoona socod kumaray inta badan dhulka Soomaalida hasa yeeshe xarumahooda ugu waa weyn ee lagu yaqiinay ayaa kala ahaa magaalooyinka Cadale, Marka, Baraawe iyo Warsheekh oo iyada aheed xarunta ugu weyn ee iminka kuduugan yihiin.

Siyaarada Masha’iqda ayaa ah mid sanad waliba xiligaan oo kale siyaabo kala duwan looga dhigo dhamaan daafaha caalamka iyadoo qur’aan aqriska iyo kheyraadka halka lagu aqrinayo kadib labixiyo qurbaan loogu tala galay dadka kasoo qeybgalay siyaarada kuwaasi oo masha’iqda ugu duceeyo in qabriyadooda nuur ilaah kusiiyo.

Dhamaan culumadi kasoo qeybgashay siyaarada ayaa waxey ku dheeraadeen kasheekeenta sooyaalka ifiaya ee taariikhda masha’iqda iyagoo sidoo kalena duco usoo jeediayy dhamaan umada muslimiinta gaar ahaan umada Soomaaliyeed ee eebe uga baryeen inuu siiyo danbi dhaaf iyo nabad lagu nagaado.

Intaa kadib ayaa waxa halkaa lagu bixiyay ijaasada daruuqu Suufiyah oo uu bixiyay Sheekh Axmed Sheekh Aweys .

Culuma’udiinki caanka ahaa kasoo qeybgalay siyaarada ayaa waxa kamid aha.

1. Sheekh Axmed Sheekh Aweys (Qudubka Dariiqada Qaadiriya)
2. Sheekh Xuseen Sheekh Maxamed Faqay Yuusuf
3. Shariif Axmed Shariif Aba Nuur
4. Sheekh Maxamud Godane
5. Sheekh Suufi Sheekh Cade Sheekh Iiker Sh: Maxamed Sheekh Suufi
6. Sheekh Cabduqaadir Xaaji Ciise
7. Sheekh Caamir Sheekh Cumar
8. Sheekh Ibraahim Raqeyle
9. Sheekh Cabdirisaaq Sheekh Xuseen Cade
10. Sheekh Cabduqaadir Sheekh Axmed Xaaji
11. Sheekh Maxamud Hilowle
12. Sheekh Maxamud Muluqow
13. Sheekh Maxa Cumar
14. Sheekh Maxamud Macalin Gaab
15. Macalin Nuur Wehliye
16. Sheekh Cali Madad
17. Macalin Cali Macalin Xasan Wehliye
18. Sheekh Muuse Maxamed Rooble
19. Sheekh Ismaacil Cali Cumar
Iyo Masha’iq kale oo fara badan .

Siyaarada ayaa kusoo gaba gabowday jawigi loogu talagalay.


http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(1).JPG
Sheekh Axmed Sheekh Aweys iyo Sheekh Cabdiraxman Sheekh Muxumed
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(2).JPG
Muuqaalka Guud ee gudaha Masjidka iyo Culimadi kasoo qeybgashay Qadmo Akhriska
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(3).JPG
Qulufadi Reer Sheekh Aweys iyo reer Sheekh Axmed Gabale oo aqrineyso Tawasulki
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(4).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(5).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(6).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(7).JPG
Xaaji Baraan iyo qaar kale oo kamid ah culimadi kasoo qeybgashay qur'aan akhriska siyarada
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(8).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(9).JPG
Macalin Nuur Wehliye iyo Qaadi Sheekh Cabduqaadir yarow
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(36).jpg
Sheekh Da'ud Sheekh Maxamed Oo aqrinayo taariikhda Masha'iqda
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(38).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(16).JPG
Shariif Axmed Shariif Aba Nuur iyo Macalin Munye
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(13).JPG
Sheekh Maxamud Godane, Sheekh Soomow iyo Xaaji C/llaahi Sheekh Muxumed Sheekh
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(12).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(37).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(14).JPG
Sheekh cabduqaadir Sheekh Axmed Xaajir
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(15).JPG
Sheekh Cabdirisaaq iyo qaar kale oo kamid ah culimadi kasoo qeybgashay siyaarada
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(17).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(18).JPG
Xaaji maxamed Sheekh Cali, Sheekh C/qaadir Sheekh Axmed iyo Xaaji C/raxman Xaaji Max'ud
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(19).JPG
Sh: C/risaaq Sh: Xuseen Cade, Xaaji Muxumed Xasan iyo Sheekh Muqtaar Xaaji madoobe
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(20).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(11).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(21).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(22).JPG
Sheekh Maxamed Cumar , Sheekh Cali Muudey iyo Macalin Cali
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(23).JPG
Reer Sheekh Suufi oo sidoo kale xaadir ku ah xilqada daakiriinta aqrineeso tawasulaadka
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(25).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(26).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(27).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(28).JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(29).JPG
Sheekh xuseen Sheekh Maxamed Faqay Yuusuf oo soo galaya gudaha masjidka Seylici
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(30).JPG
Sheekh Axmed Sheekh Aweys iyo Sheekh Xuseen Sheekh maxamed Faqay Yuusuf
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(31).JPG
Sheekh Abuukar Axmed yare oo aqrinayo Dikriga Masha'iqda la siyaaranayo
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(32).JPG
sheekh Abuukar Axmed yare iyo qaadir Cabduqaadir yarow oo aqrinayaan Dikri
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(33).JPG
Sheekh macaani Sheekh Muuse Sheekh Aweys dheere
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(34).JPG
Sheekh da'ud Sheekh maxamed iyo Qaliif Faante
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Qatin_Siy_1%20(35).JPG


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip