Siyaaradii Qudubiinti Qaadiriya oo lagu soo qatimay Magaalada Muqdisho (Sawiro).

0
Thursday May 12, 2016 - 01:31:13 in Wararka by Axmed Abukar
  • Visits: 4099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradii Qudubiinti Qaadiriya oo lagu soo qatimay Magaalada Muqdisho (Sawiro).

    Xarunta qudubka Dariiqada Qaadiriyah ee magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu soo qatimay Siyaaradi Mashaa'iqdi iska soo dhaxashay hogaanka dariiqada qaadiriyah ee Soomaaliya, Sheekh Muxyidiin Sheekh Aweys, Sheekh Shaacir Sheekh Aweys iyo sheekh Sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta qudubka Dariiqada Qaadiriyah ee magaalada Muqdisho ayaa waxa lagu soo qatimay Siyaaradi Mashaa'iqdi iska soo dhaxashay hogaanka dariiqada qaadiriyah ee Soomaaliya, Sheekh Muxyidiin Sheekh Aweys, Sheekh Shaacir Sheekh Aweys iyo sheekh Sayid cali.Sh: Muxyidiin

 


Barxada Weyn ee Degmada Xamar Jajab oo ah Fariisinka Saaxibul Waqtiga Dariiqada Qaadariyah Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Al-Qaadiriyah ayaa sidoo kale lagu oogay Xilqooyinka Dikriga Seyliciyada, Uweysiyada, Axmadiyada iyo Rufaaciyada.

Qaar kamid ah mudarasiinti kasoo qeygashay siyaarada ayaa soo jeedisay wacdi qiiro iyo raxmad galiyay ka soo qeyb galayaashi waxeyna carabka ku adkeeyeen raadkii iyo halganki Sheekh Aweys ee Diinta Islaamka iyagoo markhaati ka yihiin umadaha muslimiinta oo dhan qaasatan Arlu Soomaali oo maanta boqolkiiba boqol ah umad muslim ah .

Asayid Sheekh Aweys Dheere oo Ummadda Soomaaliyeed u taqaano (Uweys Axmed Waliyalaah) ayaa waxa lagu xasuustaa inuu xittaa naftiisi ku waayay fidinta diinta Islaamka, isagoo ay dilkiisi fuliyeen koox uu Alle ka fogeeye Naxariistiisa.

Gabagabadii Banaanbaxa Siyaarada ayaa waxa ijaasada Dariiqada qaadariyah halkaa ay uga qaateen Shacabkii kasoo qeyb galay siyaarada Saaxibul Sajaada Qaadariyaha Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxidiin Sheekh Aweys Dheere isagoo ijaasada kadibna duco dheer halkaa ugu jeediyay shacbiga soomaaliyeed isagoo alle uga baryay in culeeska fudeed ugu badalo nasri deg deg ahna siiyo dariiqada iyo inta ukaalmeeneesana gacanta kore alle ku daro aamiin.

W/D, Maxamuud Sheekh Axmed Yare iyo Axmed Sheekh Abuukar
Mobile, +252615720351
Muqdisho-Somalia.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip