Hal qof ayaa ku geeriyooday in ka badan Afr kalena wey ku dhaawacmeen Bam gacmeed xalay lagu tuuray Shineemo Muqdisho ee degmada Wadajir.
Qarax ka dhashay Bam gacmeed ayaa Fiidnimadii xalay ka dhacay irrida hore Shineemo Muqdisho ee dagmada Wadajir, xilli ay halkaasi ka socotay ciyaar ay daawanayeen dhallinyaro farabadan.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Wadajir Macalin Maxamuud Saneey oo uwaramayay Radiyaha Qaranka ayaa sheegay in Qaraxaasi uu tuuray wiil dhallinyaro ah oo isu soo ekeeysiiyay dhalinyarada u soo daawasho tagtay ciyaarta ka socotay Shineemada.
‘’ Hal qof ayaa ku geeriyootay Shan kalena wey ku dhaawacmeen qaraxaasi, lamana qaban dhagarqabihii ka dambeeyay Qaraxaasi laakiin ciidamada ammaanka ayaa ku raadjooga, anigoo rajeynaya in gacanta lagu soo dhigidoono’’ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Wadajir Macalin Maxamuud Saneey.
Waixii ka dambeeyay markii shabaab laga saaray Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka islamarkaana la wiiqay awoodoodii Meleteri ayeey bilaabeen qaraxyo ismiidaamin ah, Bomba tuur iyo dilal gaadmo ah oo ay la eeganayaan meelaha ay bulshada isugu yimaadaan.
Bam Gacmeed Habeenkii Xalay lagu Weeraray Shaneemo Muqdisho
Hal qof ayaa ku geeriyooday in ka badan Afr kalena wey ku dhaawacmeen Bam gacmeed xalay lagu tuuray Shineemo Muqdisho ee degmada Wadajir.