Waxaana la dareemayaa in uu jiro Cirib tir lagu doonayo in la Ciribtiro saxaafadda Xurta ah ee soomaaliyeed, laguna amaanay in ay u horseedeen Hormar aan la dabooli karin, intii ay jireen, haba u badnaatee Xilliyada Abaaraha iyo Dhibaatooyinka ka yimaada Dunida kale.
Lama garan karo asbaaha keenaya in mar waliba Dil barer ah loo geysto wariyaasha Soomaaliyeed oo ay nuuqato in ay ku shaqeynayaan xaalad aad u adag oo laga dareemayo Wadaniyad nabad lagu dhaliyo, waxaase muuqda oo kaliya dabar-goyn lagu hayo sidii in ay yihiin cudur dadka ku dhacay oo laga cirib tirayo.
Mushkilada taagan oo maanta mudan in laga haddlo ayaa ah maxaa keenay in lagu Dillo adooga oo mudan in mudnaan lagu siiyo?
Sabab ayaa ka danbeysa mar waliba oo ay wax dhacayaan mana jirto sabab la’aan markii laga reebo shil Dhacay.
Saxaafadda Soomaaliyeed oo ah mid ku shaqeysa heerka ugu adage e xaalad amaan daro sameysatayna farsamooyinkii ugu danbeeyay ee wax loogu gudbiyo Bulshada soomaaliyeediyad oo ayna bad baadsanayaan naftooda.
Dadka Qabiirka ku ah arimaha Saxaafadda ayaa markii ay ka hadlayaan Dilalka loo geysanayo u sabeeya arimo faro badan oo ay ku sheegayaan in loo dilo wariyaasha Soomaaliya ka howlgala, iyadoo ay ku sheegaan in ay u horeyso Xarakada Al-Shabaab oo dhaliilsan qaabka ay u shaqeeyaan una yaqaanaan in au yihiin kuwo Calooshood u shaqeysta ah.
Sidoo kale waxaa loo sababeynayaa in ay jiraan qaar ka tirsan wariyaashii la Dilay ay ka danbeeyeen gacano qarsoon oo ay warihu ku Xiray in uu been ka baahinayo amaba uu siiyo lacagta loo yaqaano laaluushka, waxeyna sababeyntaasi noqotay mid dhibaateynayo Shareafka saxaafadda Xurta ah ee soomaaliya ayna sheegeen dad dano qaas ah leh.
Waxaa hadalkaasi ka hor imaanaya in ay Jiraan wariyaal gabdho iyo wiilal isgu jira oo ajanabi ah oo dhul aan dhulkooda ahayn lagu dilay Gaar ahaan Magaalada Muqdisho, marka mala oran karaa Wariyaashaasi ajaanib ah ayaa iyagana lagu dilay sharuud ay Masuuliyiin ku Xireen?.
Ka Gudub intaasi oo dhan waxaa jiro arimo badan uu qofka Maskaxdiisa ku qiyaasan karo, waxaadna ka mid ah wax yaabaha in la qiyaasto la doonayo arimo ay ka mid yihiin inta Wariye ee la Dilay waxey ahaayeen Xilliga la Dilayay kuwa dhex lugeynaya wadooyinka dhexdooda isla markaana laga yaabo in loosoo hanjabay loona sheegay in la dilidoono.
Wax waliba Sabab ayaa ka danbeysa in ruux loo hanjabayna uu soo dhex istaago wadada dhexdeedana sabab ayaa ka danbeysa, laakin waxaa is weydiin ah waa maxay sasbata keentay in adiga oo ogaal ku ah in la doonayo in lagu dilo aad Misna iska dhex lugeyso wadada dhexdeeda.
Taasi ugu horeen waxaa ku eedeysan Maamulka Warbaahinada iyo Milkiilayaasha Xarumaha Warbaahineed oo iyaga mushaar ahaan ruuxa waraiyaha ah ee taagan heer la Beegsado naftiisa uusan waxba ka soo qaadan markii uu sheego in loo hanjabay, iyadoo ay Xilligii uu u sheegay ay ku shah cabaan oo kalaiya.
Eeda labaad ayaa waxaa iska leh Wariyaasha haatan Shaqeeya oo aan aqoon u laheyn sida ay tahay goobta ay ka shaqeeyaan iyo naftooda qiimaha ay ku fadhido, iyadoo ay si weyn ugu qaldanyihiin in ay ku shaqeeyaan Mushaar Xitaa aan dhameyn gaari raacooda iskaba daay markii ay hanjabaad la kulmaan Sahay in ay uga soo baxdo Mushaaraadkooda.
Waxaa in laga hadlo aad muhiim ugu ah in wariya Ajniba ah loona soo diray in uu Soomaaliya Howlka soo qabto uu sharuud ku xero hey’adda uu markaasi ka howlgalo, maxaa keenay sababta keentay sharuudaasi waase maxay sharuudu.
Sababta keentay ayaa ah in ay dalka soomaaliya u aqoonsanyihiin Aduunweynaha meel si aad ah loogu beegsado Wariyaasha, taasina uu cabsi ka qabo wariyahaasi, maruuda uu ku xerayo ayaa ah marka in ay hey’adaasi hormariso mag uu ku qiyaasayo haddii ay wax soo gaaran.
Waxaa meeshaasi kaaga soo baxaya in Wariyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan Muqdisho ay mar waliba Qatar ku jiraan oo ay ku dhex lugeynayaan, waxaana keentay labo arin oo kala ah in ay heysan Mushaar ku Fila nee uu ka helayo Hey’adda uu ka Howlgalo isla markaana uusan awoodin in uu iibsado Gaari u gaar ah, iyo in uusan aqoon u laheyn qiimaha ay naftiisa ugu fadhiso Bulshada Soomaaliyeed.
Waatahay waxaan warbixintaan ku soo bandhigayaa wariyaasha lagu Dilay dalka soomaaliya oo iskugu jira Soomaali iyo Ajnabi waqtiyadaani ugu danbeeyay ee uu dalka soomaaliya ku jiray Xaaladda Amaan daro, waxaana idin ka raali galinayaa in aad raali ka Noqotaan haddii ay jiraan Wariyaal aan ka tagay.
Waxaan ka Bilaabayaa Liiskani Abwaan Warsame Shire Cawaale oo ay kooxo Hubeysan ku Dileen Magaalada Muqdisho, kaasoo ka Mid ahaa Abwaanada Xilligaan Jira ee Curinayay Sugaano iyo erayo Nabadda lagu soo Celinayo.
Waxaana sanadkaan oo kaliya ay wariyaasha la dilay noqonayaan 18 wariye oo intooda Badan ahaayeen kuwo lugeynayay wadada Dhexdeeda.
Sanadkii 2012.
Sanadkii 2011.
Sanadkii 2010.
Sanadkii 2009.
Sanadkii 2008
Sanadkii 2007
Sanadkii 2005
Sanadkii 2003
January 24, 2003, waxaa lagu dilay Baidoa Abdullahi Madkeer, DMC Radio
Sanadkii 2000
January 26, 2000, waxaa lagu dilay muqdisho Ahmed Kafi Awale, Radio of the Somali People
Dhanka kale waxaan idiin Soo gudbinayaa qaar ka mid ah Wariyaasha ajaaniib ahaa ee lagu Dilay Soomaaliya Gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Sanadkii 2011
September 2, 2011, muqdisho ayaa lagu dilay Noramfaizul Mohd, Bernama TV
Sanadkii 2006
June 23, 2006, waxaa lagu dilay Mogadishu Martin Adler, freelance.
Sanadkii 2005
February 9, 2005, waxaa lagu dilay muqdisho Kate Peyton, BBC
Sanadkii 1995
February 9, 1995, waxaa lagu dilay Muqdisho Marcello Palmisano, RAI
Sanadkii 1994
March 20, 1994, waxaa lagu dilay Muqdisho Ilaria Alpi, RAI-3 Television
March 20, 1994, waxaa lagu dilay muqdisho Miran Krovatin, RAI-3 Television
August 31, 1994, waxaa lagu dilay Baidoa Pierre Anceaux, freelance
Sanadkii 1993
June 18, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho Jean-Claude Jumel, TF-1
July 12, 1993,waxaa lagu dilay muqdisho Hosea Maina, Reuters
July 12, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho Dan Eldon, Reuters
July 12, 1993,waxaa lagu dilay muqdisho Anthony Macharia, Reuters
July 12, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho Hansi Krauss, Associated Press.
Iyadoo intaani iyo in kabadan laga Dilay saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa haddana waxaad sii arkeysaa in ay wali ka tashan la yihiin oo aysan yeelaneyn wax kulan ah oo ka soobaxa natiijo yar oo lagu bad baadinayo wariyaasha soomaaliyeed.
Qoom waliba waxaa lagu yaqaanaa in ay ka tashadaan sidii ay uga bixilahaaayeen haddii ay ku timaado dhibaato, balse waxaa is isku mid ah noqday wariyaasha maamulada iyo Mil;kiilayaasha Warbaahineed kuwa wada Hurda oo aan laheyn waxa dhaq dhaqaaq ah ay kaga hortagaan kooxa Sida qodaxda oo kale u siibaya wariyaasha.
Gaba Gabo
Waxaa ogaal lagu yahay in Bulshada Soomaaliyeed ay wal wal ka qabaan dilalka loo geesanaya iyo in ay Dowladda Soomaaliya ka jiifto wax ka Qabashada Dilalka bareerka ah ee ku dhacaya Mar waliba Saxaafadda Soomaaliyeed.
Ugu danbeentii waxaan Walalaheyga Saxafiyiinta isla nahay ku waaninayaa in ay Feejignaan Muujiyaan oo aysan yareysan Dhibaatada lagu haayo Wariyaasha iyo waliba in uu wariyaha ogaado qiimaha uu Bulshada u leeyahay, waxaana lama huraan ah in ay timaado isku duubni Guud oo u dhaxeysa Saxaafadda Soomaaliyeed oo idil.
Waxa Diyaariyay,
Wariye, Abdi Shiine Moalin)
Maxey salka kuheysaa Dilka Wariyayaasha?, masa la socotaa Aqriste tirada wariyayaasha la dilay?. (W/D, Abdi Shiine Moalin)
SAXAFIYIINTA SOOMAALIYEED MAXEY U SABABEYNAYAAN DILALKA LOO GEESANAYO, MEEQO AYEESE HAATAN MARAYAAN WARIYAASHA LA DILAY {waa warbixin ka hadleysa inta wariye ee lagu dilay Somaliya iyo arimaha loo sababeynayo waxa ka Danbeya Dilkooda}