M/Xasan Sheekh Oo Ka Qeyb Galay Sanadguradi 40-aad ee Qorista Far-Somaliga
Madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka qeyb galay Furitaanka Xaflad lagu maamuusayay 40 guuraddii ka soo wareegatay Qorista Farta Soomaaliga, iyadoona Xafladaasi lagu soo bandhigay Qaamuus Cusub oo loo qoray Afka Soomaaliga.
Madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka qeyb galay Furitaanka Xaflad lagu maamuusayay 40 guuraddii ka soo wareegatay Qorista Farta Soomaaliga, iyadoona Xafladaasi lagu soo bandhigay Qaamuus Cusub oo loo qoray Afka Soomaaliga. Abaara 9:00kii barqanimo ee maanta ayaa waxaa hotelka Kamdiski ee magaalada Jabuuti kafurmay shirweyne lagu weyneynayay 40 guuradii kasoo wareegatay markii la qoray afkeena Soomaaliga.
Munaasabadan oo uu ka qeybgalay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha jamhuuriyadda jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, madaxweynaha maamaulka Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo mas’uuliyiin mataleysay maamulka kilinka shanaad ee maamulka Soomaalida. Sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgalay aqoonyahano Soomaaliyeed iyo qorayaal caan ah oo isaga kala yimid wadamada Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale waxaana looga hadlay sidii loo horumarin lahaa afka Soomaaliga.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goobta ugu horeyn Ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in sidan loo xuso loona weyneeyo xuska afkeena waxa uuna tilmaamay in ay muhiim tahay in la Horumariyo afka Soomaaliga ah isagoo intaa raaciyay in dadka kunool geeska Afrika kuna hadla afka Soomaaliga ay tahay ineysan kuhadlin afaf kale hase ahatee ay tahay in ay afkooda ku faanaan.
Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Jabuuti uu qeyb ku lahaa dib usoo nooleynta afka Soomaaliyeed isagoo ku baaqay in la hirgeliyo goobo laga barto manaahijta afka Soomaaliga si jiilka soo koraya ay ubartaan afkeena Hooyo.
M/Xasan Sheekh Oo Ka Qeyb Galay Sanadguradi 40-aad ee Qorista Far-Somaliga
Madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka qeyb galay Furitaanka Xaflad lagu maamuusayay 40 guuraddii ka soo wareegatay Qorista Farta Soomaaliga, iyadoona Xafladaasi lagu soo bandhigay Qaamuus Cusub oo loo qoray Afka Soomaaliga.