Tahniyad:Cumar Salaad Maxamuud iyo Fardawso Maxamed Xersi
- Visits: 4882
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 1 0
-
Share
Waxaan halkan tahniyad iyo hambalyo ugu diraynaa Arooska Cumar Salaad Maxamuud iyo Aroosadda Fardawso Maxamed Xersi Oo ku aqalgalay Jimcihii la soo dhaafay Magaalada Muqisha taariikhduna ahayd 28/12/12. Xersi. Waxaa hambalyada diraya dadkan isugu jira qaraabo, xidid iyo asxaab oo kala jooga dalka iyo dibaddiida, waxayna kala yihiin:
Hooyo Faadumo Xersi Cabdi
Abti C/laahi Xersi Cabdi Xaaskiisa iyo carruurtiisa
Abti C/naasir Xersi Cabdi “Iidle” Xaaskiisa iyo carruutiisa
Abti Maxamed Xeri Cabdi, xaaskiisa iyo carruutiisa
Habaryar Aamina Xersi Cabdi, Saygeeda iyo carruurteeda
Habaryar Xaawo Xersi Cabdi, Saygeeda iyo carruurta
Xasan Maxamed Xersi “Sangal”
Ciise Maxamed Xersi
Caasho Maxamed Xersi
Bashiir Maxamed Xersi
Shaafici Maxamed Xersi “Guure”
C/xafiid Maxamed Xersi
Faadumo Afweyne
Iddil Xersi
Bulsho Xersi
Faadumo Maxamed Daahir
Maxamed Aadan Xersi
Xasan Aadan Xersi
C/qaadir Aadan Xersi
Iyo dhammaan Reer Aadan Xersi
Kafeeya C/laahi Xersi
Farxaan C/laahi Xersi
Zaynab C/laahi Xersi
Iyo dhammaan Reer C/laahi Xersi
Adeer Xasan Xersi Abtiddoon
Adeer Abuurkar C/laahi Xersi Abtiddoon
Adeer C/laahi Xersi Abtiddoon
Iyo dhammaan Reer Xersi Abtidoon
Cabdiraxiin Hilowle Galayr, Xaaskiisa iyo carruurtiisa
Hoyo Caaliya Aadan Cabdi
Aabbe Salaad Maxamuud Afrah
Abdulaahi Salaad Maxmud
Aamina Salaad Maxmud
Abukar Salaad Maxamuud
Cismaan Salaad Maxamuud
Cali salaad Maxuud “Cali Dhuux”
Faaduma Cabdulaahi Aaden “Iliiza“
Nasro Daa’uud Cismaan “Neyruus”
Malyuun Ibraahim Aaden
Maxmed deeq shiiq Yuusuf “Deeq Daacad”
Waxaan ugu direynaa dardaan suugaaneed wiilka iyo gabadha sidii dhaqanku ahaa
Meeratada adduunyadu
Waa maraad ku faraxdiyo
Maray murugo kuu tahay
Meherkii kal hore dhacay
Muddo aan sugnaynnay
Maantaad anfaca iyo
Mirihiisa gurateen.
Ninka Ina Maxamed doontow
Dhag u yeelo maansadan
Meerisyadana weelee
Maankaaga galiyoo
Waligaa ha gees marin!
Mudan weeye gabadhuye
Waligaa maqsuud ka dhig
Ha colaadin maandhaw
Marna yeysan ciishoon.
Maandeeq nin helaybaa
Ka macaasha dunidee
Mowlow Ilaahow
Labadii is mohatee
Kala maagin abidoo
Aqalkood la magangalyo
Allahow ku maamuus!
Aamiin. Aamiin. Aamiin.
Waxaan kale oo ku darayaa: tixdan dardaaranka ah:
Dhaqankii Islaamkiyo dadkiyo dhidibkii weeyaane
Dhisme reer la taagaa u wacan, dhaabad duniyeede
Dhabbihii wanaaggaad marteen, horumar dhaadkiise
Gob is dhawrtaa sharaf lehoo, laguna dhaataaye
Wiilyahaw dhawaaqeyga faham, waa dhab hadalkeeye
Dhur u yeelo hadalkayga maqal, dhugo wax sheeggayga
Hayga dhibin adeey kuu dhaxday, waana dhaxalkaaye
Dhaqaalayso waa ruux dhan, yimid dhankaagiiye
Waa dhabeel haween laga xushoo, gaari dhalankeede
Waa dhamayska dumaroo, dadnimo dhaaftey qayrkeede
Waa dhurowdo, duco loo dhigoo, xuma ka dheerayde
Dhaqaalayso oo dhawro, waa dhaqankii Soomaale
Marwahay dhegaha geli warkii saygu kugu dhaafo
Hana dhaafin xeerkii dadkiyo, dhaqankii Soomaali
Dhismiha reerku waa labada dhinac, laysla dhawraaye
Dhaqaalaha aduun iyo dadkoo, laysla dhawraaye
Dhaqanka iyo hidgaha fiican oo, laysla dhawraaye
Dhawroow Allahayoow ka yeel, guri dhammeysnaada
Wiilal dhiirran, gabdho dhawrsan, iyo ubad u dhiib doora
Farxad aan dhamnaaniyo, Rabiyo dheregtana u raaci.
Aaamiin Aaamiin Aaamiin
Tahniyad:Cumar Salaad Maxamuud iyo Fardawso Maxamed Xersi
Waxaan halkan tahniyad iyo hambalyo ugu diraynaa Arooska Cumar Salaad Maxamuud iyo Aroosadda Fardawso Maxamed Xersi Oo ku aqalgalay Jimcihii la soo dhaafay Magaalada Muqisha taariikhduna ahayd 28/12/12. Xersi. Waxaa hambalyada diraya dadkan isugu ji