ku dhawaad 20 Musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada ee Dalka Soomaaliya oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay isku raaceen in ay codadkooda ay ugu shubaan musharaxa ugu codadka badan wareega koowaad xilliga Doorashada, kana gudba Wareega labaad ee u gudba wareegyada kale.
Musharaxiintaasi kulanka yeeshay ee isku raacay in ay codadkooda siiyaan musharaxa wareega kooowaag ugu cod badan ayaa waxaa ka mid ah Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Musharax Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, Musharax Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Musharaxiin kale.
Waxa ay sidoo kale Musharaxiin tan ku heshiiyaan in Dalka uu ka dhaco isbadal hogaamineed, kana shaqeeyaan sidii uusan mar kale Dalka u hogaamin Xasan Sheekh Maxamuud.
Ridwaan Xirsi Maxamed oo ah Afhayeeenka Musharaxiinta isbadal doonka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sharaxay go’aanka ka soo baxay iyo waxyaabaha kale oo ay ku heshiyeen ku dhawaad 20 musharax ee kulanka yeeshay.
Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ku loolamaya Musharaxiin gaaraya 23 Musharax oo qaarkood ku cusub Siyaasada Soomaaliya.
Xog:-20 Musharax Oo Xasan Sheekh Maxamuud U Tashtay
ku dhawaad 20 Musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada ee Dalka Soomaaliya oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay isku raaceen in ay codadkooda ay ugu shubaan musharaxa ugu codadka badan wareega koo