R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo socdaal shaqo ku joogta wadanka Ingiirska ayaa la kulantay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Landon.
Kulanka R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirada arrimaha dibada ay la yeelatay Jaaliyada Soomaaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa looga hadlay horumarka Jaaliyada Soomaalida ay ka gaartay dhinaca ganacsiga iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalka.
Eng Maxamed oo ka mid ah Jaaliyada isla markaana hore uga soo shaqeeyay Wasaardda arrimaha xiliyadii ay jirtay xukuumadii Meleteriga aheyd oo halkasi ka hadlay ayaa tilmaamay in jaaliyadu ay diyaar u yihiin ka qey b qaadashada dib u dhiska dalka iyo maalgashi ay ku sameeyan.
Waxaa sido kale ka hadlay qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadd ayaa sheegay in ay iska uruurinayaan dhaqaale, iyagoo xusay in ay kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonaan dib u dhiska dalka.
Marwo Fowsiyo oo xaflada ka hadashay ayaa sharaxday waxqabadka dowladda, iyadoo tilmaantay in xukuumaddu ay qabsatay Boqol Maalmood oo ay wax muuqda kaga qabaneyso xaalada dalka, waxeyna ka codsatay jaaliyadda in ay gacan ka geystan horumarinta dalka.
wasiirada arrimaha dibadda Marwo fowsiyo yusuf xaaji aadan oo socdaal shaqo ku joogta dalka Ingiriiska ayaa la kulantay dhiggeeda dalka Ingiriiska
Marwo Fowsiyo Oo Kulan Laqaadatay Jaaliyada Somaliyed ee Landon
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo socdaal shaqo ku joogta wadanka Ingiirska ayaa la kulantay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Landon.