Iyadoo eenu kujirno bishi sharafka usaaxibka aheed ee Mowliid kuna beegan bisha uu dhashay Subanaheeni Nabiyulaahi Muxamed (CSW), ayaa waxa durba ka bilowday caalamka dabaal degyada lagu weeneenayo dhalashada Nabigeeni Muxumad (NNKH).
Dabaal dagi ugu horeeyay ee lagu weyneenayo
maalintaan sharafta iyo cisiga badan ayaa waxa ee kadhacday magaalo
madaxda dalka Kenya ee Nairobi iyadoo dabaal degaasi ee kasoo qeybgaleen
culuma’udiinka ugu caansan Ahlusunah Waljamaac oo ee hor kacayaan
Ahlubeytka Rasuuka (CSW).
Munaasabada ayaa waxa lagu soo
bandhigay salawaatka Nabigeeni Muxumad (CSW) iyo Siradiisa Quruxda
badneed oo siweyn halkaasi uga soo jeediyay Shariifkeeni Shariif
Cabdulaahi iyadoo sidoo kale la aqriyay qadmooyinka Qur’aanka kariimka
iyo Subacyo.
Qaa’idka Dikriga Seyliciyada ee magaalada Nairobi Shariif Cali
Shariif Maxamed Shariif Xadaad
ayaa oogay xadrada Seyliciyada taasi oo lagu weeneenayay maalinta uu
dhashay nabigeeni Muxumad (CSW), qaa’idka dikriga Uweysiyada Sheekh
Cabdirisaaq ayaa sidoo kale isna oogay xadrada Uweysiyada.
Munaasabadaani
ayaa waxa soo abaabulay jameecada reer Sheekh Cabdiraxman Ow Cumar ee
kusugan magaalada Nairobi oo ee horkacayaan Sheekh ismaan Sheekh Muxumed
iyo Sheekh Cabdulaahi Abgaalow.
Dhamaan dadki soo xaadiray
munaasabadaani ayaa waxa duco aad uqiimo badan usoo jeediyay Ahlubeytki
soo xaadiray iyagoo alle uga baryay inti isu taagtay qabsoomida
Xafladaani iyo inti soo xaadirtaba in dhamaantood eebe arsuqo maxaabada
Xabiibkeeni Muxamed (CSW).
Qaban Qaabiyayaasha:
Sh Cismaan Sh Muxamed Sh C/raxmaan
Sh C/llaahi Cali Aadan (Sh C/llaahi Duduble)
Qaadumada1. Sheekh Maxamud Sheekh Axmed Yare
2.
Sh C/risaaq Maxamuud barre3. Coll: C/raxman Cisman Gacmodheere
4. Qaliif Xuseen Xaaji Maxamud
5. Sheekh Cabdiraxman Maxamed Cali
6. C/raxman Xaaji Cabdullaahi
7. C/raxman Cabdulaahi Macalin (Suuxaaye)
8. C/raxman Cabdulaahi Boote
9. C/raxman Maxamed Macalin (Shiino)
10. Muumin Muxyidiin Axmed
11. Saydi Cumar Sheekh Max'ed Sheekh Axmed Gabale
12.
Waa bahda Shabakada Warsheekh ee Magaalada Nairobi oo idil leh sanadkaan Kiisa Xiga nagu gaarsiiya bash bash iyo barwaaqo.
W/D: Maxamud Sheekh Axmed Yare
E-mail: warsheekh10@hotmail.com
Nairobi Kenya
Daawo dhamaan Sawirada






















Dhamaad
Xuska Dhalashada Nabiga (CSW) ee Nairobi
Iyadoo eenu kujirno bishi sharafka usaaxibka aheed ee Mowliid kuna beegan bisha uu dhashay Subanaheeni Nabiyulaahi Muxamed (CSW), ayaa waxa durba ka bilowday caalamka dabaal degyada lagu weeneenayo dhalashada Nabigeeni Muxumad (NNKH).