Waxaan marna shaki iiga jirin in Sheekh Shariif in uu ahaa ninka kaliya ee soo celinkara nabada iyo wada noolaanshaha umada somalia July 16, 2007 ayaan qoray qormo aan ugu magacdaray : Sheekh Shariif Rajada Soomali Waa Adiga,Ilaah waa uu aqbay oo maanta waa madaxweeynaha somalia codkiisana aan marna la qarin karin Alaahu Akbar Alaahu Akbar waxaa eey aheed riyo aad u wanaagsan balse dhab noqotay maanta,waxaan jeclahay in aan xuso nooca uu yahay Sheekha:
Sheikh Shariif waa nin diina-aqoon u leh, aragti dheer leh,og meesha loo socdo iyo meesha laga yimid, Ilaahay rumeysan,ilaa iyo haddana xikmad ku socdo, ogna danta umada in eey ka weeyn tahay danta shaqsiga iyo in Somalia cagaheeda isku taagto,somalida waxaa eey dhahdaa:Qunyar socde qodaxi ma mudo.Maahmaah Soomaaliyeed ayaa dhaheeysa: ‘dadku wuxuu isku af-gartaa wada-hadalka, xooluhuna urka’intaba Sheekha waxaa uu ku gaaray wadahadal iyo aragtida fog ee soo celinta badbaadada umada somalia,Sheekha ma noqon hawa raac balse waxaa uu aad ugu fiirsaday raacayne qaacidada dhibka iyo gumaadka looga bixin karo somali duulaanka ugu yimid cadowgii soo jireenka ahaa ee Ethiopia,somalida waxaa eey dhahdaa Rag waa arin keen iyo aqbalkeen Sheekha ma aha kaligiis taliye guracan balse waxaa hoowshaa la waday rag aaminsanaa nabada iyo wada-noolaanshaha umada somalia.waxaase ku qurux badneeyd in Sh.X.Daahir uu ka dhex muuqdo xiligaan dowlada midnimada qaran ee uu hogaanka u hayo Sheekh Shar!
iif xafiduhulaah.
Waxaanan marna la dafiri karin doorkii uu ka soo qaatay r/wasaare Nur .Cade oo ahaa Aabihii taaba geliyay in Sheekh Shariif uu gurto mirihii ka soo baxay wadahadaldii dib u heshiisiinta ee Jabuuti,N.Cade waxaa uu ahaa Aabihii ama bud-dhigihii shirkii Jabuuti aqoonsadayne ugu horeeyntii markii loo magacaabay r/wasaare jiritaanka ururka dib u xoreeyta dalka ee uu Shiikha hogaanka u hayay.waxaan dhihi lahaa Sh.X.Daahir Fullaw guuli kuu dhawaydaa,weli lama yaqaan sabbabta uu ku mucaaradsan yahay Sheekh Shariif iyo soo celinta nabada iyo wada-noolaanshaha umada somalia,N.Cade howsha uu qabtay ee aanan marna si fudud loo iloobi karin ayaa suurta gelisay in shacabka somalia meel-walba uu joogo si aad ah uu u soo dhaweeyo Sheekha,waxaa qofka muslimka ah loo diiday in uu hawadiisa oo kaliya iska raaco,waxaan aaminsanahay in Sheekha uu aaminsan yahay mabdaá islaamka iyo tiirarka uu ku taagan yahay,Sh.X.Dahir weli lama hayo qaacido ama sabbab cad oo muujin karto in fikirkiisa la raaco!
,haddii uu dagaalka sii socon lahaa waxaa dhab ah in shacabka faro badan uu ku dhiman lahaa,caruurta somalia iyo waayeelka iyo inta tabarta daran waa waajib in loo naxaa lana badbaadiyaa dhiigooda,sharfkooda iyo dadnimadooda,xagee laga aqriyay dagaalka weligii waa soconayaa...?????????
Hadafkii loo abuuray maxkamada ee ahaa badbaadinta shacabka somalia waxaan filayaa in kooxo qaar eey aad ugu weecdeen dariiqii dib u xoreeyta dalka somalia,Magaalada Marka ayaa Nin lagu Magacaabo Ibrahim Almaqdis oo sheegay in uu ka tirsan yahay Mujaahiddiinta Alshabaab ku tilmaamay hadafkooda in uu yahay in eey socdaan ilaa Alaska oo ku taalla Mareykanka, Japan, Koonfur/Afrika, Turkiga,sow Alshabaab Hadafkii uu u abuurmay ma aheeyn mid Waddanka Soomaaliyeed looga Xoreynayo Cadawga Tigreega ah iyo badbaadinta shacabka 19 sanno dagaalka sokeeye isku ahyay,sida oo kale Sh.X.Daahir weli waxaa uu dhahayaa waa in dhiiga umada somalia uu sii socdaa asga oo ka fog carada somalia kuna hoydo hotel cariga Eritera.
Waxaan leeyahay nabad laáan waa nolo laáan,waa in aan taageernaa soo celinta nabada iyo wada noolaanshaha umada somalia waxaan dhihi lahaa Sheekh Shariif ka dhabee in aad qaadatay dariiqa nabada iyo badbaadinta shacabka dayacan ee ku firisan dhulka ilaaheey hibada u siiyay iyo caalamka.Dib u heshiisiinta weli ma dhamaan mana dhamaaneeyso inta Aadanaha nool yahay waa xaq in aad yeelato soona dhaweeysato in alla iyo inta nabada jecel kuwii aad la soo shaqeeysay iyo kuwa cusub Qaraaladeeyda danbe waxuu diirada saarayaa nabada somalia iyo taabagelinta taageerida inta tabarta yar oo aan cod ku laheeyn dalka gudahiisa iyo dibadiisa intaas iyo mac-salaama..
N.Cade Alow ku dhoowr taariikhda ayaa xussi doonta,taariikhdana baal dahableh ayaad ka geli doontaa,waxaan dhahay
Maquustihii Ragbaa Sahansadoo Siibtay Haragiise
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
MAQUUSTIHII RAGBAA SAHANSADOO SIIBTAY HARAGIISA ( MAQAAL )...
Bal siyaasigeeni murtida maanta aan saani ugu sheego ,Maquustahii shisheeyaha dalbaday ee shubaya dhiigeena,Maquustahii shar mooyee wanaag shayna laga waayay,Maquustahii shaqaaqada wadee shicibka laynaayay,Maquustahii shuftoobee ka tagay sheegasho di