Bintland: Ninka Waalan yaa iga Fura (Maqaal)

0
Monday July 13, 2015 - 14:11:25 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bintland: Ninka Waalan yaa iga Fura (Maqaal)

    Mar aan soo booqanay xarunta Bintland ee Garowe waxaa noo suuragashay in aan wareeysano Binland waxa ka qaldan iyo halka aay Somali uga socoto,waxeey sheegtay Binland in nin waalan uu guursaday caruurteedana uu kala fogeeyay kana dhex abuuray qabyaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mar aan soo booqanay xarunta Bintland ee Garowe waxaa noo suuragashay in aan wareeysano Binland waxa ka qaldan iyo halka aay Somali uga socoto,waxeey sheegtay Binland in nin waalan uu guursaday caruurteedana uu kala fogeeyay kana dhex abuuray qabyaalad iyo jufa soo dhaweeysi,waataa caruurtii Binland ciidanka u ahaa aay gadoodeen welina duurka ku jira,ninka waalani waxuu dhahay hada ka hor Binland waa gabar yar oo qurux badan laakiin saniibdaro waxaa marwalba guursada Aalkoliiste qamriya cab iwm xiligaa aad ayuu iigu heelanaa oo shukaansi ayuu igu waday waxaanse ogaaday in ninka uu waalan yahay qaatana kaniini subaxii iyo habeenkii ,

Binlanda aad ayeey dib ugu dhacday ninka waalan makii uu yimid kadib taasina waxaa sabbabay ninka waalan oo aanan ogeeyn nolosha dadka,ciidamada iyo guud ahaan umada Binland.

Waxuu uu naga saarayaa Somalinimada waxaana uu nagu wadaa in uu naga dhigo umad aanan laheeyn dareen wadanimo,Jariiban iyo Goldogob ayuu diidan yahay in Somali aay wax la wadaagaan halka Laascaanood iyo Taleex iyo guud ahaan gobolada Sol iyo Sanaag aay ku jirto gacanta Somaliland oo diidan Somaalinimada,nin waalani tolkiis ayaa u miirqaba ayeey Somalilada dhahdaa sow lama joogo xiligii umada Binland aay runta u sheegi laheeyd ninka waalaalan,war yaa iga fura Faroole alow ii soo celi asagaa dhaama sabbabta oo ah waxuu isku hayay umada caruurta dalka difaaceeysa ma eryi jirin,ninka waalani waxuu umada ku dhex abuuray colaad aanan hore loo arag,meeyay ragii wasiirada ahaa oo wax galka ahaa durba wuu eryay sabbabta oo ah waa kaligii taliye waalan oo aanan rajo caafimaad laga qabin.

Somalia waxuu ka gaaray r/wasaare hadana waxii uu saxiixay ayuu diidan yahay,sow maaha nin qabaaladi dardartay ,war adiga oo Qaran ahaa ayaad qabiil u noqotay Akhristow ninka waalani sidee isga furaa ila taliya tolbeelay.

Dr.Ali.A.HirabeHIrabe_a@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip