(Maqaal): Waxaa maalmo ka hor xidhibaano ku shiray magaalada Muqdisho soo saareen bayaan ugu baaqaayay Madaxweynaha Dowladda federaalka mudane Xasan Sheekh Maxamud inow iska casilo madaxtinimada Dalka. Tasoo dhalisay iney soo baxaan fikrado kala duwan oo ey dadka soomaalida ah ka qabaan arintaas.
Waxaan rabaa marka hore inaan isweydiiyo bayaanka madaxweynaha inow is casilo loosoo jeediyay maxaa ka dambeeyo?
1-in laburburio dowladda dhexe
2-in qas iyo jiha wareer dalka la geliyo
3-in caasimadda Soomaaliya lagu celiyo burburkii ey soomartay muddadii dheereed
4-in Soomaaliya owna weligiis ka hirgelin nidaamka feedaraalka
5-in Gobolada ismaamula hadda eyna marnabo hoos imaan dowladda dhexe, oo aan loola xisaabtamin, dakhliga soo galona dowladda dhexe wax uga helin
6-in Dalkaanu owsanyeelan dowlad xoog leh, oo marwalba ey maamulaan ganacsato dowlad diid ah oo mar walbo rabo iney danahooda ugaarka ah ku fushadaan nidaamka jaha wareerka ah oo ow dalku gelidoono.
Sabaha aan kor kusoo sheegay iyo kuwo kale oo badan ayaa ka dambeeyo bayaanka xildhibaanadu keeneen.
Sida ey ilatahay kooxda soo diyaarisa bayaanka waxey u kalabaxaan ama ey kakoobanyiin seddax nooc oo kala ah
A-koox rabto in dalku ku naqdo fowdadii iyo dowlad la aantii kuwaasoo u arko ineydantooda tahay iyaga iyo kuwa ey wakiilka ka yihiin oo dowlad diidka ah.
B-kuwo marwalba ku mashquulsan sidii ey u abuuri lahaayeen xaalado mashquuliyo madaxda dowladda dhexe si eyna u arkin wakhtina ugu helin iney ka warqabaan waxa kadhacaayo gobolada is maamulo oo sheegahaayo iney dowladda dhexe kamid yihiin haddana u dhaqmaayo sidi dowlado ka madaxbanaan dowladda dhexe tussale:
1-Dowlad goboleedka Puntland oo marki aad fiiriso u muuqato dowlad goboleed madaxbanaan in kastoo taas dembigeeda ey wax kuleedahay beesha caalamka iyo wakiilada qaramada midoobay iyagoo gobolkaas toos ula dhaqmo iyogoo soo marin dowladda dhexe taasoo iigu muuqato dhiirigilinta kala go'a iyo qeybinta Dalka Soomaaliya. Iyadoo madaxda Puntaland booqasho ku tagaan dowlado ajaanib ah lana soo saxiixdaan hishiisyo horuumarineed oo ah heer dowladeed taasoo aan waafaqsaneyn sharciga wada shaqeynta dowladda dhexe iyo ismaamulka gobolkaas waxeyna marwalba ku andacoodaan iney dowladda fedaraalka kamidyihiin.
2-Hab dhaqanka maamulka ku meelgaarka ah Jubbaland ood u arkeysid inownaba ka tirsaney Soomaaliya iskadhaaf inow dowladda dhexe hoosyimaadee waxyaaba layaabkaleh wexey yihiin in dowladda Kenya iyo ururka IGAD ey faragelin xad dhaaf ku haayaan gobolada jubboyinka waxaa arin ugub ah in dowladda Kenya ey usoo magacaawdo qusul masuul uga naqodo maamulkaas iyadoo aan dowladda dhexe eyna wax wargelin ah ka helin dowladda Kenya ook u saabsan magacaabidaas, waxaase kasii daran in gudoomiyaha ku meelgaarka ah e ismaamulkaas ow waraaqadihii aqoonsiga ka gudoomo isagoon soo wargelin dowladda dhexe ee Dalka Soomaaliya.
Waxaa kale oo iyana arin ugub ah in Maxamad Cabdi Afey oo ah ninka urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya ow booqasho ku tago Kismayo sheegana iney wakiil u soo dirsan doonaan gobolka jubooyinka isagoo aan wagelin dowladda Federaalka ee Soomaaliya.Taas waxaan u arkaa iney tahay dulmi dulmi udhiib.
Suaasha aanrabo inaan weydiiyo Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ciddi akhrisato maqaalkaan waxeytahay : Kenyo iyo ururka Igad maxey ka damacsayin gobolada Jubboyinka iyo Gado?
3-kuwo meel loo socdo iyo meel laga yimidba aan kala ogeyn oo haye raac layiraaho oo xoogaa lacago ah loo sheego, laguna howgelsho balanqaadyo aan jirin, hubaalna ah in ey heli doonin, laakin lagu howgelihaayo kedibna looga bixidoono.
Shalay oo ugu dambeesay xildhibaano katirsan Baarlamaanka aa waxey mooshin ka keeneen Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka kaasoo ey ku edeyhaayaan inow sharciga maamul u sameynta degmooyinka ku xad gudubyay. Iyadana waxey kamid tahay mashquulinta masuuliyiinta dowladda fedaraalka.
Talo soo jeedin:
In xildhibaanadu markii eyrabaan iney shiraan ey kushiraan golaha shacabka intii ey ku shirilahaayeen Hoteelada.
In Barlamaanka soo dedejiyo sharciga ku saabsan sameyta Xisbiyada Siyaasadda, kaasoon isleehay waxow axkateri karaa jaha wareerka siyaasadda ee marwalbo ka dhasho kala jijiidashada xildhibaadana loona kalabixidoono muxaafid iyo mucaarid lana ogyahay xildhibaan walbo xisbiga ow katirsayahay iyo fikirka ow raacsanyahay,taasoo isleehay waxey meesha ka bixindoontaa isbaheysigii qabiilka.
Waxaa maqaalka diyaariyay
Mudane Geeddow
e-mail geddow@hotmail.com
website:www. cadale.com
Maqaal Kadhan ah xildhibaanadi Bayaanka Soo jeediyay (By: Geeddow)
(Maqaal): Waxaa maalmo ka hor xidhibaano ku shiray magaalada Muqdisho soo saareen bayaan ugu baaqaayay Madaxweynaha Dowladda federaalka mudane Xasan Sheekh Maxamud inow iska casilo madaxtinimada Dalka. Tasoo dhalisay iney soo baxaan fikrado kala duwa