Laga soo billaabo weerarkii maalintii jimcaha ayaa waxaa si toos ah loo xeray wadooyin muhiim u ahaan shacabka wallow qaar kamid ah la furay qaar hor lehna iminka lasii xeray.
Waxaa tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Xeran wadada warshadaha oo aheydwado shacbaka muqdisho muhiim u aheyd iyo waliba ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaalo wadadaasi Sida (Jaamacada SIMAD iyo Jaamacada Islaamic) oo ku yaalaan wadada asi
Cabashooyin farabadan ayaa kasoo yeerayo shacabka muqdisho oo ku aadan wadooyinka xeran ayadoona shalay iyo manta laxeray wadada gasha Hotel Jaziira iyo wadada loo maro wasaarada Arimaha Gudaha iyo wadooyin kale.
Sababaha ugu weyn ee loo xeray wadooyinkaasi ayaa waxa ay dad farabad u fasireen islamarkaana ay tahaybo cabsi xoogan oo laga qabo Al-shabaab, hase ahaatee su’aasha is weydiinta mudan ayaa waxa ay taahy (Aaway tabartii dowladda?) ayadoo la ogyahay in kumanaan ka tirsan Ciidamada nadab Ilaalinta loo keenay ee Amison ay ku sugan yihiin Muqdisho.
Waay sii horeysay ayaa hore loo xeran wada isku xerta tarabuunka iyo isgooska Km4 ayadoona wax laga weeydiiye sababaha loo xeray wadoonyinkaas afayeenka gobolka banaandir Maxamed yuusuf waxa uuna yiri: "Waxaa loo xeray wadooyinkaasi in lagu xaqiijiyo amaanka muqdisho iyo safaaradaha dagan”.
Sikastaba Xilligii wadada isku xerta Tarabuunka iyo Km4 la xeraye ayaa waxaa hadlay Cabdi-Salam Macalin Maxamuud horayna u ahaa Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka hadana kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka waxa uu yiri: "Waa nasiib xumo in markale shacabka soomaaliyeed ay arkaan wadooyinkii ugu muhiimsanaa magaaladda Muqdisho qaarkood dhagaxyo lagu jaro, waxa uuna ugu baaqayaa laamaha amniga in ay la yimaadaan qorsho kale oo aah aheyn in wadooyinka dhagaxyo lagu jaro” waxaa la xasuustaa in horay magaaladda Muqdisho ay ukala xernaayeen Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda, waxa ayna dad badan cabsi ka qabaan hadii sidaan lagu sii socdo in dib loogu laabto arintii hore iyo Magaaladda in ay kala xeranto.
C.llahi dayax
Webka caalamiga ah ee www.warsheekh.com
Xafiiska Muqdisho
Wadooyin Muhiim u ah Muqdisho oo dhagaxyo lagu jaray, sababta Maxee tahay? "Maqaal"
Waxaa shalay iyo manta la xeray wadooyin muhiim u ahaa Shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho xilli maalintii jimcaha ee aanu soo dhaafnay weerar kii ugu darnaa oo ay qaadeyn Al-shabaab lagu qabsan gaaray Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaa