Inkastoo Suarez ku celceliyay in uu ku faraxsan yahay in uu baaqi ku sii ahaado Liverpool hadana mas`uuliyiinta kooxdaas ayaa ka welwelsan mustaqbalka laacibka ee Liverpool maadama ay sii xoogeysanayan wararka laacibkaas la xariirinaya in xagaaga dambe inuu aadayo kooxda Bayern Munich .
Liverpool ayaa si weyn u kormeereysa laacibkaasi reer Nigeria oo qiimihiisu uu gaarayo 10 milyan oo gini xilli sidoo kale la sheegayo in kooxaha Arsenal iyo Reading iyana rabaan farsamada laacibkaasi sida wargeyska Izvestia ee ka soo baxa Russia sheegayo.
Waxaa xusid mudan in xidigaan qarankiisa Nigeria uu u horseeday in ay qaadaan koobka qaramada africa ee South africa lagu soo gabagabeeyay isaga oo u soo dhaliyay 4 gool.
Liverpool Oo Dooneysa Weeraryahanka Kooxda Spartak Moscow Ee Emmanuel Emenike
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kooxda Liverpool ay si weyn uga fikarayaan in ay kooxda keenaan xagaaga dambe weeraryahanka kooxda Spartak Moscow Emmanuel Emenike iyaga oo ka baqaya in Luiz Suarez uu kooxda ka huleelo .