Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Oo Dil toogasho ah ku fulisay askarta Dowladda

0
Thursday February 21, 2013 - 10:16:34 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Oo Dil toogasho ah ku fulisay askarta Dowladda

    Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo horay loogu xukumay dilal toogasho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo horay loogu xukumay dilal toogasho.
Dilka oo saaka ka dhacay iskool bulusiyo ayaa waxaa lagu fuliyay saddex askari ka tirsanaa ciidamada qalabka sida, kuwaasoo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal, waxaana maxkamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho, kaddib markii lagu helay dambiyo dil ah oo ay u geysteen shacab iyo askari ciidamada dowladda ka tirsan.

Halka uu ka dhacayay xukunka toogashada ah ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), saraakiil ciidan iyo dadweyne u soo daawasho tagay sida uu xukunku u dhacayay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku fuliso xukun dil ah askar ka tirsan ciidamada dowladda, balse waa markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda lagu fuliyo xukun dil ah.

Mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in la dili doono askarigii lagu helo fal dil ah ama kufsi, iyadoo maxakamaddu ay fulinta xukunnadan soo billowday intii ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip