Kow & Toban Sarkal oo belaha Garxajis ah oo Muqdisho ka degay

0
Sunday February 24, 2013 - 03:05:29 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kow & Toban Sarkal oo belaha Garxajis ah oo Muqdisho ka degay

    Kow iyo toban Sarkaal oo ka soo jeeda Beelaha Garxajis(ISaaq) ee Somaliland kuwaas oo dhamaantoodba darajadoodu u dhaxayso gaashaanle dhexe ilaa Gaashaanlae sare ayaa gaadhay caasimada Soomaaliyaee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kow iyo toban Sarkaal oo ka soo jeeda Beelaha Garxajis(ISaaq) ee Somaliland kuwaas oo dhamaantoodba darajadoodu u dhaxayso gaashaanle dhexe ilaa Gaashaanlae sare ayaa gaadhay caasimada Soomaaliyaee Muqdisho.
Saraakiishan oo ka mid ahayd saraakiishii kala duwanayd ee ciidankii Soomaaliya, mudadii burburkii dawladii Soomaaliyana ku sugnaa Somaliland, ayaa la sheegayaa in safarkoodu ka dhashay ka dib markii mudo aad u badan ay ku shaqo la’aayeen gudaha wadankoodii Somaliland, in ay go’aansadeen in tegaan dhinaca caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, halkaasi oo uu saraakiishan uga baxay Iftiim dawladnimo iyo in ay dib u bilaabaan shaqadii ay u hayeen ciidamadii xooga dalka ee Soomaaliyeed.

Saraakiishan gaadhay xamar ayaa la sheegayaa in ay ka cadhoodeen habdhaqanka dawlada Siilaanyo, Isla markaana loo diiday in la siiyo darajadii dhawaan uu bixinayay Siilaanyo, taasi oo ay u arkeen in hab beelnimo looga reebay darajdaasi, isla mar ahaan taana darajooyinka lagu taxay Rag wakhtiyadii hore ciidamda ka ahaa Isbatoorayaal ka ugu darajo sareeyaana ahaa Gaashaanle.

Sidoo kale waxaa si aad ah loo hadal hayaa in ay jiraan saraakiil kale oo iyaguna u sii jeeda dhanka Muqdisho, kuwaas la filayo in ay iyaguna u shiraacdaan dhanka caasimada Soomaaliya, Saraakiishaasi ayaa la sheegayaa in ay la mid yihiin qolyahaasi hore, oo ay ku shaqo waayeen gudaha Somaliland, waxaanay u badan yihiin Beelaha Samaroon, Harti iyo Beelo kale oo dega gudaha Somaliland.

Saraakiishan hore uga tirsanayd ciidamadii dawladii Soomaaliya ayaa iyagu ka hawlgeli doona dib u dhiska ciidamada Soomaaliya ee ka socda Muqdisho, isla markaana ay wadaan dawladaha caawiya dawlada fedraalka Soomaliya ee uu hogaamiyo M/weyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha ka tegaysa Somaliland ee u shaqo tegaya dhanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay muujinaysaa sida aan loogu wada qanacsanayn maamulka Somaliland iyo Awoodii hogaanka dalka oo u gacangashay koox isku hayb beeleed wada ah.

Awdalpress


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip