Maamulka Ahlusunah G/Dhexe oo doortay badelki Sheekh Xeefow

0
Sunday March 03, 2013 - 11:34:38 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Ahlusunah G/Dhexe oo doortay badelki Sheekh Xeefow

    Maamulka culumaa’udiinka Ahlusuna waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa doortay gudoomiyaha cusub ee golaha fulinta kadib markii uu geeriyooday gudoomiyihii hore Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka culumaa’udiinka Ahlusuna waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa doortay gudoomiyaha cusub ee golaha fulinta kadib markii uu geeriyooday gudoomiyihii hore Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow. Golaha talada ee culumaa’udiinka Ahlusuna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa u doortay Cabdi Cali Fiidoow in uu noqdo gudoomiyha golaha fulinta ee culumaa’udiinka Ahlusuna Waljamaaca , iyadoo ay u codeeyeen 22 xubnood oo ka tirsan golaha fulinta ee culumaa’udiinka Ahlusuna Waljamaaca.

Sidoo kale gudoomiyaha golaha talada ee culumaa’udiinka Ahlusuna ee gobolada dhexe Sheekh Cumar C/qaadir oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa sheegay in sheekh Cabdi Cali Fiidoow loo doortay gudoomiyaha gudiga fulinta ee culumaa’udiinka Ahlusuna kadib markii sida uu sheegay ay ogolaadeen 22 xubnood oo ka tirsan golaha fulinta ee maamulkaasi.

Sheekh Cumar C/qaadir gudoomiyaha golha talada ee maamulkaasi ayaa u rajeeyay gudoomiyaha golaha fulinta ee la doortay in Allaah uu xilkiisa la garabgalo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay ula shaqeyndoonaan si hufan oo daacadnimo leh.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip